Duulaanka Dalka Sucuudiga oo 9 waddan oo khaliijka Carabta ah kaashanayaa ku qaaday Yemen, ayaa saamayn ku yeeshay Duulimaadyada Somaliland. Diyaarad ka soo duuli lahayd Magaalada Dubai oo shirkadda Daalo Airline leedahay ayaa socdaalkeeda dib loo dhigay, halka Diyaarad Jubba leedahay oo Hargeysa ka duuli lahayd kuna sii jeeday Sucuudigana dib loo dhigay.
Saraakiisha Madaarka iyo Diyaaraddahaasi ayaa BBC-da u sheegay in dib u dhaca duulimaadyada ay sababtay Diyaaraddaha oo isticmaalayay Khadka Yemen. Diyaaradda Hargeysa iman lahayd ayaa u sii dhaafi lahayd Ethiopia iyo Muqdisho. Arrintan ayaa timid kadib markii Sucuudigu xayiray Hawada Yemen.
Wadanka Sucuudiga oo kaashanaya Isbahaysiga Carabta, ayaa weerar Militari oo dhanka Cirka ah ku qaaday Meelaha Xuutiyiintu Maamusha ee WaddankaYemen, sida uu sheegay Safiirka Sucuudiga u jooga wadanka Maraykanka Adel al-Jubair
Safiirka ayaa weerarka ku macneeyay si loo badbaadiyo dawladda Sharciga ah ee Yemen “Hawl galku waxa weeye in la difaaco, lana taageero dawladda Sharciga ah ee Yemen iyo in laga hor tago inay wadanka qabsadaan Dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee Xuutiyiintu”, ayuu yidhi Adel al-Jubair
Xogaha laga helayo Weerarada oo la sheegay inay labadii habeenimo ee wakhtiga Sanca bilawdeen ayaa sheegaya in la garaacay Saldhiga Ciidamada Cirka Yemen ee Sanca(al-Daylami airbase),Madaarka Caalamiga ah ee waqooyiga Sanca iyo Madaxtooyada Xuutiyiintu qabsatay.
Wararka hor dhaca ah ee khasaaraha ayaa sheegaya in ilaa 10 qof ku dhinteen Weerarada kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa saddex taliyeyaal Militari ah oo Xuutiyiin ah. Sidoo kale Wariyaha VOA-da Yemen ayaa soo tabiyay in ilaa 4 Diyaaraddaha Cirka ee Xuutiyiintu adeegsanaysay la burburiyay, halka Wariyaha AFP ku waramay in Xuutiyiintu adeegsadeen Hubka lidka diyaaraddaha.
Weeraradan isbahaysiga Khaliijka carabta oo la aaminsan yahay inay taageero ka helayaan reer galbeedka ayaa imanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay Madaxweynaha Yemen uu codsanayay taageero Militari iyo faro galin lagu sameeyo dalka Yemen kadib markii Xuutiyiintu ka xoog roonaatay.