Somaliland: Kooxdii Labaad Ee Ka Soo Goosatay Fallaagada Suldaan Wabar Oo Shalay Laga Qaadey Qulu-jeed

Date:

Shan dhallinyaro ah oo ka mid ahaa Jabhadda Suldaan Wabar ku ururiyey Buuralayda gobolka Awdal, ayaa shalay isku soo dhiibay ciidamada Somaliland, ka dib markii ay go’aansadeen inay dadkooda iyo dalkooda wax la qaybsadaan isla-markaana ka waantoobaan mushkiladda uu Suldaankaasi wado.

Shanta dhallinyarada ah oo uu deegaanka Qule-jeed ee gobolka AWDAL uu kula soo wareegay ciidanka Birmadka Somaliland, ayaa waxay sheegeen inay go’aansadeen inay iska daayaan oo ay ka hadhaan Suldaan Wabar iyo kooxdiisa.

Guddoomiyaha degmada Qulu-jeex, oo saxaafadda la hadlay markii uu dhallinyaradaasi ku wareejiyey ciidanka Birmadka ayaa yidhi “Waxaan ciidanka Birmadka Somaliland ku wareejiyey shan nin oo wada hadallo noo socdeen, kuwaasi oo gartay inay dadkooda iyo dalkooda ku soo noqdaan..”

Aaden Maxamuud Diiriye, oo ka mid ahaa dhallinyarada isa soo dhiibtay ayaa isaguna ka sheekeeyay sababta uu isku soo dhiibay “Waxaan ku jiray jiray jabhadda muddo saddex bilood ah, habeenkii aanu Borama soo galay ayaan ka baxsaday jabhadda oo aan ka goostay, nafbaana na eriday markii Qoriga weyni ka dhex dhacay Borama, waanan isla yaabay oo waxaan idhi qorigan aad sidato cidda aad ku dileysaa waa Tolkaa uun, wax iga dambeeyayna ma jirin, markaas ayaan is idhi ciidanka Somaliland halkee ugu dhow oo aad ka gashaa…” ayuu yidhi.

Hoggaanka ciidanka Birmadka oo isagun gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhallinyaradu gartaan in majaro habaabiyey isla-markaana been loo sheegay.

Doraad ayay ahayd markii Magaalada Borama lagu soo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa Taliyihii hawl-gelinta ee Maleeshiyaadka Suldaan Wabar, kuwaasi oo isa soo dhiibay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...