Shacabka Reer Hargeysa Oo Idaacadda BBC-da Ku Dhalliiley In Aanay Dhexdhexaad U Ahayn Somaliland & Soomaaliya

Date:

Dadweynaha reer Hargeysa ayaa Cambaareeyay hab-dhaqanka cusub ee laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, taasi oo ay sheegeen In wixii ka dambeeyay burburka wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ay u xagliso dhanka xukuumadda Muqdisho.

Dadweynaha caasimadda ayaa sheegay inay ka xun yihiin in laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du oo hore uga dhaxeysay shucuubta Soomaaliyeed ay wakhtigan si gaar ah ugu eexato Soomaalida Koonfurta oo ay qadiyadda isku hayaan reer Somaliland, waxayna kula taliyeen inay dhexdhexaadnimada ku soo laabato.

Dadweynaha oo Telefiishanka Qaranku waydiiyey sida ay u arkaan in Idaacadda BBC-du u xagliso Soomaaliya isla-markaana baahin waydo warkii la xidhiidhay soo dhaweyntii Hargeysa loogu sameeyay weftigii Somaliland ee ka soo laabtay Istanbul markii shirkaasi burburay.

Xildhibaan Axmed Daahir, oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa oo ugu horeyn arrintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Idaacadda BBC-du sida foosha xun ee ay dhinaca uga raran tahay ee aanay wakhtiga ugu qaybinayn (Somaliland iyo Soomaaliya) ee aanay caddaaladi ugu jirin ee ay Somaliland cadaadiska ugu hayso ayaanu cambaareynayo”

Ina Xeroole oo isaguna ka mid ah shacabka caasimadda ayaa yidhi “BBC-du dhan bay ka raran tahay mana dhageysanno, markaa BBC-da waxaan leeyahay dhexdhexaadnimadii haku soo noqoto”

Mujaahid Salaxan, ayaa isaguna sheegay “BBC-da waxaan u soo jeedinayaa inay wararka u sheegaan sida dhexdhexaadka ah”ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...