Mashruuc Guryo Loogu Dhisayo 215 Qoys oo Lagu Dhagax-dhigay Boorame

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dajinta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Maayarka Magaalada Boorama, ayaa dhagax-dhigay bilawga dhismayaal tiradoodu dhan tahay 215 guri oo loogu talogalay in dib-u-dejin loogu sameeyo dadka barokacaayasha ah.

Xaflad loo qabtay dhagax-dhigga guryahaas oo ka dhacday duleedka galbeed ee magaalada Boomara khamiistii, waxa ka qayb-galay Madaxda hay’adda UN-HABITAT, shirkadda dhismaha ee NCCC iyo madaxda wasaaradaha kale ee xidhiidhka shaqo ee tooska ah la leh barnaamijkan dhismayaasha dib-u-dajinta ah.

Eng. Xuseen Xirsi Gudaal oo ka socday hay’adda UN-Habitat oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qorshaha guryahaas loogu talogalay tahay in lagu dhammaystiro muddo shan bilood ah.

“Dhismayaashan waxa ay dhan yihiin 215 guri oo loogu talogalay dib-u-dajin, waxa lacagta deeqada ah ee lagu dhisayo ay ka timi dawladda Japan, waxana la soo marsiiyay hay’adda UN-Habitat, mashruucan oo muddo soo jiitamay, waa Alle mahadii haddii maanta (shalay) la dhagax-dhigay bilawgiisii, waxa uu qorshuhu yahay in shirkadda dhismaha gacanta ku haysaa ay ku diyaar garawdo inta bishan March ka dhiman, waxana mashruucu socon doonaa 5-ta bilood ee u dhexaysa April ilaa August 2015, shantaas bilood waxa qorshaysan in bishiiba la dhammaystiro 43 guri, waana hiigsigaas midka aan ka UN-Habitat ahaan ku ilaalin doono shirkadda qandaraaska qaadatay, waxana aan rajaynaynaa in aan guul ka soo hoyn doono,” ayuu yidhi Eng. Xuseen Xirsi Gudaal.

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Eng. Cabdisamad oo ka socday shirkadda dhismaha ee NCCC oo ku guulaystay qandaraaska lagu dhisayo guryaha loogu talogalay dib-u-dejinta, waxaannu yidhi; “Waxa aan ballanqaadaynaa in aan awoodayada oo dhan isugu keeno sidii aan dhismayaashan muddadii loogu talogalay ugu dhammayn lahayn, anagoo tayada mudnaanta siin doona.”

Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Maayarka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi, ayaa iyaguna mahadnaq u jeediyey Dawladda Japan, Hayada UN-Habitat iyo dadka degaanka ee dhulka bixiyay, sidoo kalena waxa ay mashruucan ku tilmaameen mid ahmiyad gaar ah u leh dhinaca dib-u-dajinta.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dajinta Xaaji Maxamed Jibriil Yoonis oo sheegay in dhismayaasha dib-u-dejinta ah ee loogu talogalay dadka danyarta ah laga hirgeliyey magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorama oo hadda laga bilaabayo.

“Waxa aan dareensanahay in baahi badan loo qabo dib-u-dajinta, waana sababtaas mida keentay in siyaasadda xukuumadda ee ku aadan dhinaca dib-u-dajintu ay dedaal u gasho sidii dhismayaal loogu heli lahaa dadka ku barakacsan dalka gudihiisa, sidaas aawadeed, waxa ay ahmiyadu tahay in aan la dardaarano shirkadda dhismaha qaadatay oo aan leenahay ogsoonaada in cidda aad wax u dhisaysaan ay tahay dadkiinii, loona baahan yahay in aad dhistaan dhismayaal tayo leh oo tusaale u noqda kuwa kale ee dalka ka hirgali doona, waxana aan rajaynayaa in muddada la qabtay ay ku soo dhammaan doonaan, haddii Eebe idmana uu xadhigga nooga jari doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...