Cirro Waxa uu Xisbigiisa u Bandhigay Inuu Xilka Wakiiladdu u Yahay Il-dhaqaale Iyo Dhufays Adag

Date:

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  la sheegay inuu ka noqday iscasilaadii uu sheegay inuu kaga tagayo xilka iyo xubinimadda Golaha Wakiiladda wixii ka dambeeya 26-ka June ee fooda innagu soo haysa, haddii ay doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladdu ka qabsoomi waayaan dalka.

Guddoomiye C/Raxmaan Cirro waxa uu hore u sheegay inuu Golaha Wakiiladda u arko qaar xaaraan iyo qayrul sharci ku sii fadhiya kuraasida, waxaanu ku baaqay in la kala diro, hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aad dhow Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sheegay inuu ka noqday tallaabadii uu hore ugu sheegay inuu ka tagayo aqalka Wakiiladda ee uu sharci darrada u aqoonsaday.

 

Guddoomiyaha Wakiiladdu waxa uu xubno ka mid ah Guddiga fulinta ee xisbiga WADDANI u sheegay inaanu ka tagaynin xilka Golaha Wakiiladda oo sida la sheegay uu ku tilmaamay mid uu kula dagaalamo xukuumadda  isla markaana uu  caalamka kula xidhiidho.

Md. Cirro waxa uu sheegay in bayaankii uu sida wada jirka ah ula saxeexday xisbiga UCID iyo kooxda la baxday madasha wada-tashiga ay ka  ahayd uun inuu is-daad raaciyo oo aanu ka hadhin gulufka mucaaridku aloosayaan. Balse go’aankiisu yahay inaanu  ka degin xilka gudoonka Wakiiladda illaa lagu dhaawacayo maalinta doorashadda.

“Guddoomiyaha Wakiiladdu kama tagayo Golaha Wakiiladda haddii doorasho dhici waydo 26-ka June ee fooda innagu soo haysta, kursigiisaas ayuu dhufayska kaga sii  jirayaa, sababo la xidhiidha xeelad siyaasadeed, mansabkani waa shaadh weyn oo uu uga  faa’iidaysanayo  danno dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, haddii muddo kordhin labaad loo sameeyo Wakiiladda isna wuu sii fadhiyayaa,”ayuu yidhi mid ka mid ah saraakiisha WADDANI oo ka gaabsaday  in magaciisa la shaaciyo.

Warku waxa uu intaas ku daray  in Guddoomiye Cirro uu nidar ku maray inaanu xildhibaanadda muxaafidiinta ah ee aqlabiyadda ku leh Golaha wakiiladda fursad siin doonin ay ku qabtaan xilka gudoomiyaha aqalkaasi mudada kala guurka ah.

Haddii Guddoomiyaha WADDANI ka dhabeeyo inaanu  iska casilaynin aqalka wakiiladda, waxay noqonaysaa mid nuqsaan ku ah mustaqbalkiisa siyaasadeed, maadaama oo uu sii dhex fadhiyo Golaha uu hoggaaminayo  ee uu qayrul sharciga u yaqaanno, waxaanay arrintani noqonaysaa calaamad  kale oo muujinaysa bayd-gaabnimadiisa  iyo xeeladiisa luqun diin leynta ah ee uu shacbiga u matalayo.

Lama Garanayo  tallaabada ay Golaha Wakiiladdu ka qaadan doonaan mowqifka Guddoomiyahoodu ku xaaraantinimeeyay sharci-nimadooda, marka ay ka soo noqdaan fasaxa ay ku jiraan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...