Maleeshiyada Nusra oo weeraray Xarunta Sirdoonka Aleppo

Date:

Khasaaro xoogleh ayaa ka dhashay Weerar Arbacadii shalay ay xoogaga mucaaridka ee Siiriya ku qaadeen xarunta Sirdoonka ciidamada Siiriya oo ku taal Galbeedka magaalada labaad ee Aleppo.

Weerarkan ayaa waxaa hogaaminayey Jamhada Nusra ee Al Qacidada Siiriya, waxayna kaashanayeen qaar kale oo kamid ah xoogaga Mucaaridka.

Daarta weyn ee saldhiga u ah sirdoonka militariga Siiriya ayey doonayeen inay gacanta ku dhigaan xoogaga weerarka soo qaaday, walow ay ku fashileen inay la wareegaan xaruntaasi.

Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu xumaa oo ka dhaca magaalada Aleppo maalmihii lasoo dhaafay waxaana la sheegay inay ku dhinteen 20 kamid ah askarta dowlada Bashaar Assad, halka dhinaca kale ay ka dhinteen 14 dagaalyahan.

Xoogaga weerarka qaaday ayaa la kulmay iska caabin xoogleh oo ay sameeyeen ciidamada xukuumada Bashaar Al Assad oo garab ka helaya maleeshiyaadka Shiicada ah ee Kooxda Xisbullah.

Dagaalka ayaa joogsaday kadib markii diyaaradaha dagaalka usoo gurmadeen ciidamada dowlada Siiriya, waxaana la sheegay inay dib halkaasi uga gurteen isbaheysigii weerarka soo qaaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...