Burcadbadeeda ka hwwl geli jirtey Koonfurta Mudug ayaa sii daayey afar qof oo muddo shan sano gacantooda ku jirey, kuwaas oo ay ku qabsadeen Markab la yiraahdo FV Prantalay sanadkii bishii Febaraayo 2010.
Afarta badmaax ayaa u dashey dalka Thailand, waxaana muddada dheer lagu haystey deegaanada Koonfurta Mudug ee maamulka Galmudug. hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan la dagaalanka Daroogada iyo Denbiyada ee United Nations Office on Drugs and Crime ayaa door weyn ka qaadatey sii deynta dadkaan lagu soo beegey siideyntooda markii ay u buuxsantey 5 sano.
Burcadbadeeda ayaa la sheegayaa in ay qaateen lacag ku dhaw nus malyuun, waxaana ay ku sheegteen in ay tahay kharashkii ka galay muddada dheer ee ay hayeen dadkaan oo ay deymo badan ku galeen, iyaga oo ku doonaayey markii hore in ay helaan lacag ka badan 1 Milyan oo Dollar.
Afarta qof ee xornimadoodi dib u haley ayaa maalintii shalay diyaarad ay iska leedahay hayäadda QM laga saarey magaalada Gaalkacyo.
Gacanta Burcadbadeda Hobyo iyo Xaradheere ka hawlgeli jirtey waxaa ku harey badmaaxiin gaaraya 26 badmaax oo ay ku qabsadeen markab la dhihi jirey FV Naham 3