Xisbiga Talada Haye Ee Kulmiye Oo Caddeeyay Mowqufka Xukuumadda Ee La Xidhiidha Doorashooyinka Dalka

Date:

DSC_00341

Shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha wasiirada Xukuumada Somaliland ee maalinta khamiista ah lagu qaban jiray qasriga madaxtooyada Somaliland, oo ay maanta kala qaybgaleen hogaanka Xisbiga talada haye ee Kulmiye, ayaa halkaasi ka soo jeediyey Mawqifka Xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha Doorashooyinka.

Waxaana shirka sidii caadadu ahayd gudoominaayey oo furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI isMAACIIL Saylici, waxaana ku xigay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu u dhignaa nuxurka qoraalkaasi uu gudoomiyuhu akhriyey Sidan:-

XISBIGA KUMIYE

Mowqifka Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka 19/02/2015

Mudane madaxweyne

Waxa inoo farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka.

Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inno leh. Laba kamida tiirarkaasi waa:-

1. In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha

2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii
Hadaba xisbiga iyo xukuumadu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.

1. Dhamaystir sharci
2. Magacaabida GDQ
3. Dhaqaale

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.

Mawqifka kulmiye

1. In komishanku leeyahay awooda wakhtiga doorashada la qabanayo

2. In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo

3. Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah.

maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka sharciga
Hadiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.

Xisbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray .

Muj. Muuse Biixi Cabdi
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...