Qaadkii Kenya oo la filayo in la keeno Soomaaliya

Waxaa maanta oo Arbaca ah la filayaa in magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Gaalkacyo iyo Qardho laga soo dajiyo Qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay la joojiyey.

Joojinta Qaadka ee maalmihii lasoo dhaafay ayaa salka ku hayey muran ka dhashay qiimaha qaadka ku iibiyaan beeraleyda Kenya oo sare loo qaaday iyo waliba canshuuraha badan ee Soomaaliya looga qaado ganacstada Soomaalida ah ee qaadka dalka keena.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiis dhexmaray ganacstada Qaadka keena Soomaaliya iyo beeraleyda Kenya, heshiiskaasi oo ah in qiimo dhimis 50% ah lagu sameeyey qiimihii qaadka ay ku iibin jireen beeraleyda Kenya.

Balse waxaan weli wax isbedal ah ku imaan canshuurihii ay maamulada Soomaalida ka qaadi jireen qaadka kaasi oo kamid ahaa waxyaabihii ay ganacstada ka cabanayeen.

Hase yeeshee joojinta qaadka ee sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa si weyn looga dareemay magaalooyinka dalka Soomaaliya, iyadoo ay jireen dad badan oo soo dhaweeyey joojinta qaadka, halka dadka isticmaala qaadka ay sheegeen in si weyn uu u taabtay shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada qaadka.

Comments

comments