Maraykanka & Turkiga oo ku heshiiyey hubeynta Kooxaha Siiriya

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa Salaasadii shalay shaacisay in ay xukuumada Turkiga heshiis kula gashay in si wadajir ah u tababaraan una hubeeyaan kooxaha mucaaridka Siiriya ee la dagaalamaya xukuumada Bashaar Al Assad.

Heshiiskan ayaa waxaa qeyb ka ah in Turkiga uu ogolaado in dhulkiisa lagu tababaro dagaalyahanada Siiriya ee kasoo horjeeda xukuumada Bashaar Al Assad iyo waliba kooxda mayilka adag ee ISIS.

Qorshahan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya qaar kamid ah dalalka Khaliijka oo gacan siinaya maleeshiyaadka Siiriya.

Turkiga ayaa horey shuruud ugu xiray la dagaalanka ISIS in Maraykanka iyo xulafadiisa ay gacan siiyaan kooxaha doonaya inay xukunka ka tuuraan xukuumada Bashaar Al Assad.

Comments

comments