Ciidamada xukuumada Siiriya ayaa isku hareereeyey magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Siiriya ee Aleppo oo ay horey gacanta ugu hayeen xoogaga mucaaridka.
Ciidamada Bashar Al Assad oo ay wehliyaan maleeshiyaadka shiicada ah ee Xisbullah ayaa la wareegay gacan ku heynta lix tuulo oo ku dhaw magaalada Aleppo, iyagoo sidoo kale xiray wadadii ka imaan jirtay dalka Turkiga ee uu saadka usoo mari jiray maleeshiyaadka Aleppo.
Bisha soo socota ayaa noqoneysa sanadguuradii 5aad ee xiliguu bilowday dagaalka sokeeye ee Siiriya oo ay ku nafwaayeen in ka badan 210 kun oo qof.