29 Tahriibayaal oo qabow ugu dhintay xeebta Italy

Ugu yaraan 29 qof oo tahriibayaal ayaa lagu soo waramayaa inay dhaxan u dhinteen xeebaha dalka Italy, kuwaasi oo saarnaa doonyo kasoo baxay dalka Liibiya.

Ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dooni siday in ka badan 100 qof oo tahriibayaal ah oo mareysay meel u dhaw jasiirada Lampedusa, 29 qof oo kamid ah oo dadkii doonidaasi saarnaa ayaa u dhintay dhaxan iyo qabow.

Weli faah faahin lagama bixin jinsiyada ama dalalka ay kasoo jeedaan tahriibayaasha dhintay oo isugu jira dad ka yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah.

Maaha markii ugu horeysay oo dad tahriibayaal ah ku dhintaan bada u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya, doonyaha dadka Tahriibta ah la saaro ayaa ah kuwo aan ka bixi karin badaweynta isla markaana inta badan cilado lasoo darsaan.

Xiligan ayey dabeylo iyo qabow ka dhacayaan qeybo kamid ah qaarada Yurub iyadoo tahriibayaasha aysan heysan waxay dhaxanta isaga ceshaan.

Comments

comments