Madax Dhaqameedka Somaliland Oo Tageeray Wax Qabadka Wasiirka Caafimaadka JSL

Date:

Madax dhaqameedka JSL oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa si balaadhan u bogaadiyey waxqabadka muuqda ee ay Wasaaradda Caafimaadku ka hirgelisay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka iyo kaalinta uu Wasiirka caafimaadku ka qaatay maamul daadejinta Gobolada Bari ee S/Land.

Madax dhaqameedkan oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro iyo Cuqaal ayaa shirkooda Jaraa’id waxay ku muujiyeen sida ay lama huraanka u tahay in la tilmaamo mas’uulka waxqabadkiisu umadda u wada muuqan karo, iyagoo si weyn ugu bogaadiyey Wasiirka caafimaadka  Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye doorkii uu ka qaatay munaasabadii caleemo saarka Garaadka guud ee Buuhoodle garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo dhowaan wasiirku kaga qayb galay Magaalada Buuhoodle, kana cadeeyey mowqifka Qaranimada S/Land.

Afhayeenka Salaadiinta S/Land Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey ayaa ugu horayn sharaxay ujeedada shir jaraa’idkooda, waxana uu yidhi: ‘Wasiirka ugu hiilin mayno gobol ahaan iyo degmo ahaan toona, laakiin waxa aanu ugu hiilinaynaa oo doonaynaa in aanu dareenka dadka u sheegno inuu yahay Wasiir Qaran oo ay bulshada Somaliland isugu mid tahay bari & galbeed-ba’.

madax dh

Dhanka kalena suldaan Xiirey waxa uu si gaar ah isu dul taagay ka qayb galkii wasiirka Caafimaadka ee Munaasabadii caleemo saarka Garaadka guud ee Buuhoodle waxana isagoo Suldaanku arimahaa ka hadlaya uu yidhi: ‘waxaan doonayaa in aan ka hadlo qaybtii uu Wasiirka caafimaadku ka qaatay munaasabadii Caleemo saarka ee uu dhowaan Buuhoodle kaga qayb galay, si wanaagsan oo sharaf leh ayuu gobolka u tegay oo loogu soo dhoweeyey, munaasabaddaa oo la isugu wada yimid-na mowqifkiisa iyo Qaddiyadda Somaliland wuu ka caddeeyey, ninkii rag ahina waa ka sidaas yeela, hadaanu nahay madax dhaqameedkii Somaliland, Salaadiin, Boqoro, garaado iyo Cuqaal waxaanu caddaynaynaa in aanu ku taageersan nahay Wasiirka caafimaadka Mowqifkii caddaa ee uu halkaa ka muujiyey’

Suldaanka oo ka hadlayey dhanka waxqabadka wasaaradda caafimaadka  waxa hadaladiisii ka mid ahaa sidan: ‘Wasiirka waxaanu ku taageersan nahay waxqabadka Wasaaradda caafimaadka ee gobol ilaa tuulo uu gaadhsiiyey adeegyadii caafimaad’

Geesta kale Boqor maxamed Cismaan Nuur oo shir jaraa’idkaa ka hadlay ayaa xoojiyey taageerada Salaadiinta somaliland u hayaan wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye, waxana hadaladii Suldaanka ka mid ahaa sidan: ‘Wasiirka caafimaadka waxaanu ku taageeraynaa Waxqabadka caafimaad ee uu Dalka gaadhsiiyey, kormeerada iyo dabogalka uu ku sameeyo dadkii hawsha caafimaad fulinteeda u xil saarnaa iyo dadaalka habeen iyo maalinba leh ee uu wasiirku wado.’

Boqor Maxamed Cismaan Nuur oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay in Salaadiintu xaq u leeyihiin inay tilmaamaan ciddii waajibkeeda gudata iyo ciddii gudan weyda, maantana ay isugu yimaadeen inay caddeeyaan waxqabadka Wasiirka caafimaadka.’

 

Shir jaraa’idkaasi waxaa kaloo ka hadlay salaadiinta ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdinaasir Suldaan cabdi Suldaan Ismaaciil, Suldaan Siciid Maxamed cabdi, Boqor Cali Xuseen Kaahin, Cheif caaqil Cabdilaahi xasan warsame, Sh C/Qaadir Sh Cumar jaamac iyo madax dhaqameed kale, kuwaas oo dhamaantood cadeeyey waxqabadka Wasiirka wasaaradda caafimaadka, Madaxweynaha JSL-na ka codsaday inuu abaal mariyo mas’uulka ka soo baxa waajibaadka uu qaranka u hayo.

 

Dhanka kalena Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed  Xaglo-Toosiye ayaa  xadhiga ka jaray qayb cusub oo Waadh ah oo ay wasaaradda caafimaadku ka hirgelisay Cisbitaalka TP-da ee Magaalada hargaysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...