Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa habeenkii xalay isku badal ku sameeyay Badhasaabada iyo Ku-xigeenada Gobolada, kuwaas oo qaarna xilka laga qaaday kuwo kalena la magacaabay. Badhasaabada, Awdal, Sool iyo Saraar ayaa laga qaaday xilkii ay hayeen, halka ku-xigeenada Saaxil iyo Togdheerna laga qaaday iyagana jagadii ay Qaranka u hayeen.
Marka laga yimaado isku badalka Guddoomiyaasha Gobolada, waxay dadku si weyn ugu dheg taagayaan inay isku shaandhayntu u soo gudbi doonto dhinaca Golaha Wasiirada, kuwaas oo dhawr jeer oo hore la saadaaliyay in Madaxweynuhu gacan galin doono.
Goobaha ay bulshadu ku kulanto iyo fagaarayaasha siyaasadda lagu falan qeeyo ayaa si weyn loo hadal haya in Madaxweynuhu raacin doono wakhti aan foogayn isku badalka Wasiirada.
Si kastaba ha ahaate waxa la sugi doona goorta iyo wakhtiga uu Madaxweynuhu seefta la dhexgali doono Golahiisa Wasiirada iyo inuu sidaa ku dayn doono siduu dhawr jeer oo hore ugu wargaliyay inay shaqadooda sii wataan.