“Ka Dulqaadan Mayno Dadkayaga In Wiilal Yaryar Oo Dhargay Nabad Galyo Darro Ku Abuuraan.” Badhasaab Jeeniyare

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare,ayaa sheegay in inka badan 200 Oo Dhalinyarada rabashadaha sameeya ah lagu xidhay hawl galada Boolisku waday todobaadadii u dambeeyay. Waxa uu sheegay in Guddida amaanka ee heer qaran iyo ta heer gobolba go’aan ka qaateen Dhalinyarada Magaalooyinka waaweyn laga fadhiyi waayay,siiba Hargeysa.
Gudoomiye Jeeniyare waxa uu sheegay in Dhalinyaradu yihiin kuwo aan waxba u tudhayn “Arrimaha dhalinyaradu samaynayso waanu cambaaraynaynaa Qaran ahaan iyo Gobol ahaanba.Ciidamada Booliska waxaanu ku bogaadinaynaa talaabada ay ka qaadeen Dhalinyaradaas rabshooleyaasha ah ee aan Hooyo bixinayn ee aan Aabbo bixinayn,oo Ganacsato bixinayn, oo wariye meel iska maraya bixin oo Sheekh Masaajid ka soo baxay bixinayn” ayuu yidhi Badhasaabka Oo Telefishanka HCTV la hadlay.

Mudane Jeeniyare,waxa uu bogaadiyay Ciidanka Booliska eek u jira hawl galka ka dhanka ah dhalinyarada dadka dhibta “Ciidanka Booliska, Jananka,janan ku xigeenka,taliyaha hawl galinta iyo Askarta hooseba waxaan ugu hambalyaynayaa talaabada adag ay ka qaadeen Dhalinyarada,hadda inta aanu ka war hayno waxaa la qabtay 200 inka badan oo dhalinyaro ah,waana la sii wadi doonaa” ayuu yidhi Jeeniyare.

Mudane Jeeniyare,waxa uu arrintan ku tilmaamay Olole Qaran oo amaanka bulshada wax lagaga qabanayo “Guddida nabadgalyada heer Qaran iyo ta heer Gobolba Go’aan bay ka qaateen dhalinyaradaas,inbadan waanu ka hadalnay arrintaas waanuna ku celcelinaynaa”
Badhasaabku waxa uu sheegay in hadda laga bilaabo wax laga bedelay jeelasha lagu xidhi jiray dhalinyarada “Awal hore inta Jeelashan lagu xidho ayay Hooyooyinkood iyo Aabayaashood Beerka iyo Hilibka halkan ugu keeni jireen, laakiin tii dhici mayso ee Xabsiyada dalka ee Bariga fog ayaa loo qaybinayaa, ka dulqaadan mayno dadkayaga in Wiilal yaryar oo dhargay Nabad galyo darro ku abuuraan. Waalidiintooda inbadan baanu ka hadalnay,haddana waxaanu leenahay waalidinay Caruurtiina ceshada oo edbista” ayuu yidhi Badhasaab Jeeniyare.
Hadalka Badhasaabka ayaa imanaya iyadoo Magaalada Hargeysa si wayn looga dareemay Dhaqdhaqaaqa Booliska ku raad jooga dhalinyarada isku disha Kooxaha, islamarkaana dadka dhibaateeye ee jidadka u istaaga.
Laamaha Amaanka iyo Cuqaasha Maroodijeex ayaa si dhalinyarada wax looga qabto waxay ku heshiiyeen inaan Mag la iska waydiin Wiilasha gacanta Booliska ku dhinta inta uu socdo Ololahan, inkasta oo ay jiraan dad arrintaasi ka soo horjeeda.

Comments

comments