Raysal Wasaare Cumar oo Baarlamaanka ka codsay 10 maalmood oo dheeraad ah

Date:

Goor dhaweyd Waxaa si rasmi ah u furmay kulankii Baarlamaanku ku balan sanaayeen ansixinta Golaha wasiirada Cusub ee dowladda federaaka, waxaana soo gaaray xarunta inta badan xildhibaanada federaalka, kuwaas oo gaaraya 230 Xildhibaan.

Raysal wasaare Cumar C/rashiid oo hadal kooban ka jeediyey xarunta ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada ka codsaday in ay siiyaan muddo 10 maalmood ah si uu u soo dhameystiro golahiisa wasiirada oo ay dhiman yihiin wasiiro ku xigeenadii iyo wasiiru dowlayaashii xukuumadiisa.

Cumar C/rashiid ayaa muddo kordhintan sidoo kale ku sababeeyey in uu la tashi iyo soo magacaabida xukuumada dhamaystiran u horkeeni lahaa baarlamaanka Isagoo sheegay in uu baarlamaanka latashi ugula imandoono xubnaha ka dhiman golahiisa wasiirada.

baarlamaanka

Xildhibaanada ayaa buuq iyo bulhan ku soo dhaweeyey codsiga raysalwasaaraha, waxaana Xildhibaanada dejiyey Shirguddoonka oo sheegay in ay ka doodayaan codsigaas. Cumar Cabdirashiid waa isaga soo baxay baarlamaanka, haddana waxaa Xildhibaanaduu ay ka doodayaan sidii ay codsigaas labaad ka yeelayaan, waxaana muuqata in ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...