Duqeymo lala beegsaday Saldhigyo al-Shabaab ku leeyihin gobolka Shabeelaha Hoose

Date:

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo dhinaca circa lagu qaaday meelo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab.

Diyaaraddaha nooca aan cidna wadin ayaa gantaalo la dhacay tuulooyin ka tirsan gobolka oo la aaminsan yahay in ay joogeen dagaalyahano ka tirsan ururka oo xiriir la leh al-Qaacida.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta lagu qaaday tuulo ka tirsan degaanka Toora-toorow, isagoo sheegay in mid kamid ah gantaalada ku dhacay guri ay joogeen saraakil ka tirsan al-Shabaab oo isku jira ajnabi iyo Soomaali.

Wuxuu intaas ku daray in gantaal kale lala dhacay kolonyo baabur ay wateen dagaalyahano al-Shabaab, isagoo tibaaxay in ay ku dhinteen ugu yaraan 45-maleeshiyaad.

Ururka al-Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan, iyadoo ay adag tahay in wax war ah laga helo.

Lama yaqaano dalka laga leeyahay diyaaradahan weerarka fuliyey, balse sanadihii lasoo dhaafay Mareykanka iyo qaar kamid ah wadamada Yurub ayaa weeraro lamid ah sidaan ka fuliyey goobo al-Shabaab saldhigyo ku leeyihin ee Koonfurta Soomaaliya.

Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii diyaaraddaha dagaalka Mareykanka ay weerar duqeyn ku dileen Hogaamiyihii hore ee al-Shabaab Ahmed Abdi Godane.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...