Baarlamaanka oo mar labaad oggolaadey codsigii Raysalwasaare Sharmaarke

Date:

Fadhigii maanta ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ahaa mid ka duwanaa kuwii hore. Ajandaha fadhiga ugu muhimsanaa ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda. Waxaa soo xaadirey hoolka shiraraka ee Baarlamaanka Xildhibaano gaaraya 190 Xildhibaan.

Waxaa guuldaraystey wada hadal iyo waan-waan habeenkii xalay u socotey shirguddoonka, madaxda Kutlooyinka iyo raysalwasaraha oo dhinac ah, sidoo kale waxaa isla habeenkii xalay ka degey Muqdisho Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qayb-galaayey shirkii Midogwa Afrika, si uu wax uga qabto in xukuumadda aan la horgeyn Baarlamaanka maanta oo Sabti ah.

Raysalwasaare Sharmaarke ayaa ku khasbanaadey maanta in uu hortago Xildhibaanada isla markaana codsigiisa halkaas ku soo bandhigo kadib markii laga diidey warqaddii labaad ee codsigiisa ee maaintii shalay uu u direy Baarlamaanka.

Sharmarke oo khudbad kooban u jeediyey Xildhibaanada ayaa ka codsadey in la siiyo muddo 10 maalmood ah oo uu Xukuumadda ku soo dhamaystiraayo. Xildhibaano badan ayaa ku qayliyey raysalwasaaraha iyaga oo sheegey in ay meesha u joogaan maanta in xukuumadda codka u qaadaan. Raysalwasaare Sharmarke waa ka soo baxay fadhiga.

Shirguddoonka ayaa ka codsadey Xildhibaanadu in ay ka doodaan 10 maalmood ee xukuumadda lagu soo dhamaystiraayo, waxaana doodda kadib Shirguddoonku codsadey in la siiyo 15 daqiiqo oo ay isugu ururinaayaan fikradaha Xildhibaanjada ee kala duwan.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ku wargeliyey in cod loo qaadayo codsiga raysalwasaaraha, waxaana oggolaadey 139 Xildhibaan, 47 Xildhibaan ayaa diidey, waxaana ka aamusey 4 Xildhibaan.

Waa markii Saddexaad oo xukuumadda dib loogu laabto, Xukuumaddii u horeysey waxaa Sharmaarke ku dhawaaqey saq dhexe, 12 Janaayo, waxa uu dib ula noqdey 17 Janaayomarkii uu arkey in aysan baarlamaanka dhaafeyn, waxaa la siiyey muddo 14 Maalmood ah oo uu xukuumad cusub ku soo dhisaayo, taas oo ku ekeyd maalintii shalay ee Jimacada, tan ayaa noqoneysa markii saddexaad, Waxaa la aamin san yahay in dhismaha xukuumadda uu farogelin ku hayo Madaxweynuhu, isla markaana inta badan isagu keensadey, waxaana la is weydiinayaa halka Xildhibaanadu durbaanka u tumanayaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...