Munasibad Baladhan Oo Lagu Daah Furayay Adeega Cusub Ee Edahab Ee Shirkada Dahabshiil Ayaa Lagu Qabtay Hotel City Plaze Ee Magalada Burco + Sawiro + Video

Date:

Munasibadani Oo Ay Ahayd Mid Baladhan Oo Kulmisay Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan Ayaa Waxa Kaso Qaybgalay Badhasabka Gobolka Togdheer Maxmed Muse Diriye ,Masuliyinta Heer Gobol ee  Dahabshil Group ,Qarka Ka Tirsan Xildhibanada Golaha Deeganka Burco, Cuqaal,Waxgarad, Haween, Ganacsato   Iyo Marti Sharaf Kale

Waxana Ugu Horyanba Munasibadani Ka Hadlay Mareeyaha Shirkada Dahabshiil Ee Gobolka Togdheer Maxmed Yusuf Oo Ka Xogwaramay Maraxilkii Kale Duwana Ee Usoo Maray Shirkada  Dahabshiil Waxana Uu Si Mugleh Utaabtay Adeegan  Cusub Edahab  Ee Ay Soo Kordhisay Dahabshiil Group Oo

ilihi Udanbayay Laga  Istcmaalayay Gobolada Dalka Waxana Hadalasiis Ka Mid Ahaa Sida Tan” Munasibadini Waa Munaasibad Aan Ku Daah Furayno Adeega Edahab Oo Ah Mobel Servise Adeegaas Oo Muddo Shaqaynaayay Marka Hore Waan Garanaynaa Shirkada Dahabshiil  Dororka Ay Soo Soo Martay  Iyo Marxaladaha Ay Soo Martay Waxa Ay Dahabshiil Shaqaynaysay Muddo Ka Badan 50 Sanno  Oo Ay Ku Dhexjirtay  Isu Gudbinta Lacagaha  Maxmed Saciid Waxa Uu Ka Soo Bilaabay Todabatanayadii Ama Bilawgii Todabatanayadii  Waxkhtiga Ay Xawaladuhu Marayeen  In Laga Soo Qaado Khariijka  Dabadeedna Uu oo Sugo Qofku Inta Ay Imanayso Oo Aanay Jirin Isgaadhsin Casriya Oo Wakhtiga Laga Soo Yeedhin Jiray Way Ka soo Gudubtay Marxalada Oo Ay Timi  Marki Ay Dhaceen Dagaladi Ee Aan Uqaxnay Xeryaha Qoxoontiga  Ee Ethopia Markaana Ay Ahayd In Gacanta Lagaga Soo Qaado Oo Diridhaba Laga Soo Qaado Oo Qofkasta kasta  Loogu Geeyo  Halka Ay Uqaxeen  Qofka Inay Dahabshiil Gacanta Ugu Keento Marxaladi Sadaaxad Waxa Ay Noqotay Marki Wadanka Lagu So  Noqday Iyana Ay Ahayd Marxalad  Xawalada Lagu Yeedhin Jiray In Foomiyayaal  Oo Wadanka Oo Dham Meelkasta Ay Joogto  Xawaladu Ama Meelkasta Foomiye Lagu Yeedhiyo  Mar Xaladii Afaraad Waxa Ay Noqotay Marxaladi Dalka Laga Hirgaliyay Isgaadhhsinta Casriga  Oo La Istcimaalay Tilifoono Iyo Entarnet Marxaladi Shanaad Ayay Hada Galnay  Oo Ay Bahashu Ka Baxdu Xafiiski Lagu Hayay  Oo Ay Timaado Mobel To Mobel Oo La Iskaga Diro Oo Qufku Gacantiisa Ku Wato Xawaladii Waa Ilahay Mahadii Waxana Sahashay Ticnoolijayada Casirigaa Mar Uu Mareeyahu Ka Hadlaayay Adeegan Cusub Ee Edahab Ayaa Waxa Uu Idhi” Adeegan Edahab Ee Aan Manta Daah Furayno Waxaanu Bilawnay Sanadki Dhamaaday Ee 2014 Dabayaqadiisi Mansha Alaah Dadka Isdiwaan Galiyay  Ee Somaliland Iska Diwaan Galiyay  100,000 Oo Qof Ayay Marayaan  Taas Oo Mujinaysa In Dadwaynahu Ay Soo Dhawayeen  Adeega Edahab Adeegaas Oo Laga Heelayo Dhamaan Xarumaha Dahabshiil Iyo Somtel “

Waxa Iyaguma Munasibadani Ka Hadlay  Badhasabka Gobolka TogdheerMaxmed Muse Diriey Iyo Gudoomiyaha Rogta Ganacsiga Ee Gobolka Togdheer Ganacsade Axmeed Ismaciil Maxmud Oo Iskumida Amaan Baladhan Ujeediyay Shikada Dahabshiil Group Oo Ku Amaanay Adeegan Cusub Ee Ay Soo Kardhiyeen Waxa Kale Oo Ay Ku Amaneen Sida Hagar la,Aanta Ee Ay Uga Qayb Qataan Adeegyada Arimaha Bulshada Waxana Hadaldoodi Ka Mid Ahaa”Maraxaladan Kale Duwan Ay So Martay Shirkada Dahabshiil Oo Ay Hada Marayso Inay Ugu Shubto Maraxilkaasna Waxay  Ku Socdaan Waa Tiknoolajiga Socda Oo Aan Isatagaynin  Baritolaana Waxa Laga Yaaba Wax Kale Nalagu Bushareeyo  Oo Ay Inoo Sheegaan Arintaasi Way Soo Korodhay Waxa Aan Leeyahay Kolayba Kolay Aduunki Dayaxiba Fuulay  Inagu Kolay Waan Daba Soconaynaa  Haseyeeshe Waxaanu Leenahay Ticnoliyadan Casiriga Shirkadaheenu Sida Ay Ula Jaan Qadeen  Iyo Halka Ay La Marayaan Oo Ahayeen Kuwii Ugu Sarayay Waxana Aan Ku Amaanayna Adeegan Cusub Ee Edahab Ee Ay Keentay Shirkada Dahabshiil Waxana Sido Kale Amaan Iyo Bogaadin Usoo Jeediyay Gudoomiyaha Rigta Ganacsiga Oo Ka Waramay Dadaalka Ay Waddo Shirkadu iyo Hormarka ay ku talaabsatay “

Waxa Iyaguna Munasibadni Ka Hadlay Gudoomiyaha Jamacada Burco Pro: Salebaan Dirir Cabdi  Iyo C/Xakiim Maxmed C/Laahi Oo Ah Gudoomiyaha Jamacada Golis Ee Qaybta Burco Oo Iyuga Dhankooda Soo Dhawayay Adeegan Cusub Ee Edahab  Isla Markaana Sheegay Inay Ka Jamacad Ahaan Ay Si Wayn U Istcimaali Donaan Adeegan Cusub Oo Ay Markaana Ay  Arkeen Sida Ay Adeegani U Shaqayso  Waxa Hadaladoodi  Ka Mid Ahaa Sida Tan”Ma maqasheen Dunidu Waa Doog Dahabshiilna Waa Doog Sababta Oo Waxa Qayb Wayn Ka Qataa Baahiya Arimaha Bulshada Waxana Usheegaynaa Inaan Isticmaali Doono Adeegan Oo Aana Horana U Isticmaali Jirnay waanu soo dhawaynaynaa adeegan cusub ee Edahab  “

Waxa ISaganu Munasibadani Ka Hadlay Sheekh Faysal Oo Ka Jeeday Kalmada Wacdiyaoo Kusalaysanayd Ganacsiga iyo Cabdudaada Ilahay Waxa Ksle   Amaana Ujeediyay Shirkada Dahabshiil iyo Adeegan Cusub

Waxa Iyaguna Munasibadi Ka Hadlay Gudoomiyaha Hayada Bisha Cas Ee Gobolka Togdheer Cabdi Cawil Jaama Iyo Oday  Abokor Aadan Dibi Oo Si Iskumida Dhankooda Usoo Dhawayay Adeegan Cusub Amaan Baladhan Ujeediyay Shirkada Dahabshiil Waxana Hadaldoodi Ka Mid Ahaa Sida Tan”Waan Soo Dhawaynaynaa Adeegan Cusub Ee Udahab Ee Ay Soo Kordhisay Shirkadan Dahabshiil Waxana Ku Amaanayna Sida Fiican Ee Ay Uwado Adeegan Waana Adeegsanaynaa Sida Ugu Fiican Oo Waxa Aan La soconay Muddoyinki Udanbayay Sida Ay Ushaqaynaysay sabata oo ah shikadanai waxa ay qayb lixaadle ka qadataa hormarka Dalka”

Gabagabadiina Waxa Halkaasi Lagu Soo Badhigay Gobay Oo Tirayay Abwaan Da,Yar Oo Lagu Magaacabo C/Raxmaan Xeego Iyo Riwayado Ka Waramay Sida Ay Ushaqayso Adeegan Cusub Ee Edahab Oo Dadki Munasibadi Fadhiyay Ay Soo Jidatay Shirkadani Dahabshiil oo ka Mida Shirkadaha wawayn ee Somaliland  ayaa Muddoyinki Udanbayay Ku Hawlanayd Soo Saarida Adeegan Cusub ee Edahab.

This slideshow requires JavaScript.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...