Baarlamaanka Federaalka oo meelmariyey Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka Dowladda

Baarlamaanka Dowladda Federaalka sSoomaaliya oo maalmahii dambe si aad ah uga doodayey Hindise sharciyeedo ayaa maanta meelmariyey hindise sharciyeedka hanti dhowr dowladda oo doodiisu ahayd mid wakhti dheer ay ku bixiyeen baarlamaanku.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka Jeylaani Nuur Iikar oo shir gudoominayey kulankaa ayaa xildhibaanada u soo bandhigey in maanta loo codeeyo xeerkan oo uu noqdo mid dhaqan gala lana soo afjaro wajigiisii saddexaad oo uu maray xeerkan.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taaga u qaaday meel marinta hinidsan waxaana loogo laatay in sharcigan meel maro 154 Xildhibaan,Waxaana Diiday Afar xildhibaan cid ka aamustayna ma jirin sida uu sheegayba Gudoomiye Iikar.

Hindishe sharciyeedkan ayaa sibuuxda u meel maray wuxuuna maanta ka dib yahay sharci uu wax ku dhaqayo hanti dhowrka dowladda federaalka oo u xilsaaran dabagalka iyo ilaalinta hanti dowladda Isagoo ka ilaalinaya ku tagrifalka.

Comments

comments