Somaliland: Xaqiiqada Haweenay Ajaanib Ah Oo Warbaahin Gaar Ahi Ku Maxaabsato Sawirkeeda Iyo Magaceeda

Date:

Warka gabadhaBaadhitaan dheer oo lagu sameeyay haweenay bilihii u dambeeyay Warbaahinta gudaha ee Somaliland, gaar ahaan Website-yada iyo Wargeysyadu Sawirkeeda u isticmaallaan Maqaallo iyo war-bixinno cid gaar ah wax lagaga sheegayo, ayaa la ogaaday in haweenaydaasi aanay ahayn Soomaaliyad, hasa-yeeshee ay u dhalatay dalka Mauritania, laakiin saxaafadda qaarkood si badheedh ah u isticmaalaan.

Haweenaydan reer Mauritania oo lagu Magacaabo Houda, hasa-yeeshee Wargeysyada iyo Mareegaha wararka ee adeegsadaa ula baxeen Dr Hooda Yuusuf, ayaa sawirkeedu soo shaac baxay markii ay maqaal ka qortay sida dalkeeda Mauritania looga qadariyo dumarka Buurbuuran isla-markaana arrintaasi lagu soo qaatey barnaamijka haweenayda Oprah Winfery baahiso ee “Beauty Around the World”. Balse saxaafadda Somaliland ee doonaya inay weerar dhanka qoraalka ah ku qaadaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xilalka haya ayaa sawirka gabadhaasi si qaldan u adeegsaday, waxaana halkaasi ka soo baxday in qormooyin dhaadheer oo wargeysyada qaarkood ka qoreen Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda Somaliland isla-markaana gabadhaasi lagu shaambadeeyay aanay waxba ka jirin, laakiin ay yihiin qoraallo lagu rux-ruxayo masuuliyiinta qaranka.

Gabadhaasi Houda ee u dhalatay dalka Mauritania ayaa waxa weli loo isticmaalaa maqaalo iyo qoraalo iyada oo sawirkeeda la isticmaalaayo laguna Isticmaalo magac Soomaaliyeed oo ah ‘Drs Hoodo Yusuf’, waxaana qoraalladii u dambeeyay ee loo adeegsaday ka mid ahaa “Falanqeynta: Budgetka Golaha Guurtida (2015) ka badan isku-darka budgetka shan wasaaradood oo halbowle ah- waa maxay sababtu?” “Samaale wuxuu soo dhoob-dhoobay Miisaaniyad Bararsandi”. Mushaharka Madaxweyne Siilaanyo Barbardhig mushaharka caalamka (international Leaders)”.

Haweenaydan oo haddii aad u baahato inaad xaqiiqadeeda ogaato aad booqan karto Website-ka (www.oprah.com) adiga oo markaasi ka dib Magaceeda saxda ah ku baadhaya maqaalka ay halkaasi ku baahisay, ayaa maqaalkii u dambeeyay ee sawirkeeda loo adeegsaday waxa uu shalay ku soo baxay Wargeyska Yool, kaasi oo ahaa “Budget 2015:$39.5 Million “Khasnada Madaw” ee Wasiir Xirsi Maamulo!.

 

 

 

 

 

 

 

Qormooyinka iyo maqaallada kale ee haweenaydan lagu shaambadeeyo, iyadoo xuquuqdeeda meel lagaga dhacayo ayaa mar kasta oo ku soo baxaan Wargeysyada iyo Mareegaha wararka waxa hoosta kaga saxeexan Magaca ah Drs. Hooda Yusuuf, halka Magaceeda saxda ahi yahay “Houda”.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...