Waxa Haboon Inaan Turkiga Xidhiidhka U Jarno Sababahan Awgood

Date:

Waxa maanta shacabkeena u cadaatay in Madaxda Dawlada Turkigu si cad u muujisay inay la safan yihiin  dalka aan jaarka naahay ee Somalia, sababta oo ah hadii Madaxweynaha Turkigu dhexdhexaad ka yahay wadahadalada Somaliland iyo Somalia, wuxuu soo booqan lahaa Somaliland si uu u muujiyo inuu dhexdhexaad ka yahay. Shacabka Somaliland waxa aanu daah ka saarnayn in Dawlada Turkigu been iyo munaafaqnimo kula dhaqmayso Dawlada iyo Shacabka Somaliland.

Bal maanta xukumadeenu shacabka haka shaki saarto sababta uu Madaxweynaha Turkigu u soo booqan waayay Somaliland, waa hadii uu dhexdhexaad ka yahay arrimaha labada Dal.  Shacabka Somaliland waa inay iska ilaaliyaan la shaqaynta xubnaha Turkiga ee raba inay la wareegaan ganacsiga iyo Waxbarashada Somaliland ee gaarka loo leeyahay, iyada oo aanay jirin wax maal-gelin ah oo Dawlada Turkigu ku samaysay Somaliland oo lagu tix-gelin karo.  Shacabka Somaliland waa dad isku tashaday oo kaligood wax qabsaday mana jecla cid been kula shaqaysa. Turkiguna hadii aanu dhexdhexaad ka ahayn Arrimaha Labada Dal ee jaarka ah waa inay Xukumadeenu sharciyada kala laabataa Ganacsato Turkiya oo dalkeena u yimid inay shacabkeena dhiig-miirtaan mooyaane aan faa’iido kale u wadin. tani waxay  keeni kartaa inuu Turkigu dareemo muhiimada ay leedahay inuu si dhexdhexaadnimo ah ula dhaqmo labada dal oo wixii maal-gelin ahna u kala qaybiyo.

Yaa  ii sheegi kara wax  muuqda oo uu Turkigu Somaliland u qabtay, halka uu Somalia  u dhisayo Airports, wadooyin, cusbitaalo, dayactirka Xeryihii Ciidamada, balaadhinta Dekeda Muqdisho, Nadaafada Magaalada Muqdisho oo uu xiita shaqaalaha ka hawlgala uu musharka siiyo, xarumaha Dawlada oo uu dayactiray iyo lacag dhan 5 Milyan oo Dollar oo uu bil walba Cash ku siiyo Dawlada Somalia si ay ugu maamusho Hawl-maalmeedkeeda iyo mushaharka shaqaalaha.

Dawladeena waxa la gudboon inay ka baxdo kalsoonidii Turkiga ay ku qabtay ee Wada-hadalada iyo sidaas oo kale inay joojiso dhamaan xidhiidhada ganacsi ee ay ganacsato reer Turky ahi ay kula wareegayaan ganacsiga muhiimka ah ee Somaliland.  Dawladeenu hadii aanay iska waabin Turkiga waxay ula mid noqonaysaa maamul-goboleedyada Somalia oo kale, Xukumadeenu waa inay ku dhac yeelataa oo ay iska dhaaftaa daciifnimada iyo baryada Turkiga, Ilaahay ayaa na karaameeyay oo na dejiyay halka aduunka ugu istaraatiijisan, mana rabno inaan adoon u noqono wadan aan dhexdheexaad ka ahayn Wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

 

Waxan isleeyahay in hadii ay Somaliland kala noqoto kalsoonida Dalka Turkiga ay isla markaaba la arki doono Wadano reer Europe ama Africa ah oo la wareega dhexdhexaadinta Somaliland iyo Somalia ama waxa la arki in Madaxweynaha Turkigu yimaad Somaliland oo uu raali-gelin bixiyo si uu sii haysto kalsoonida Dawlada iyo Shacabka Somaliland, waliba maanta Turkiga ayaa abaal ku qaba inuu Somaliland xidhiidh fiican la yeesho marka loo eego danaha uu ka leeyahay Geeska Africa in wadan kale soo galana  ma ogolaanayo.  Xukamadeenu  waa inay raganimo iyo ku dhac muujiso inay wax diidi karto, xaqna waan u leenahay inaan diidno cidii aan ina rabin ee uu  ka midka yahay Turkigu.

 

Yuusuf S. Wacays

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...