Xukuumadda Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Murankii Ka Taagnaa Doorashada Hoggaanka Dallada SONYO

Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ee Somaliland ayaa si toos ah shaaca uga qaaday natiijada doorashadii shiweynahii 7aad ee muranka dhalisay ee hoggaanka dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo iyadu dhex-dhexaadinaysay garabyadii  muranku u dhexeeyay ee labada hoggaan kala doortay ayaa waxay soo saartay go’aamo ay ku shaacinayso natiijada saxda ah ee doorashadii hoggaanka dalladda SONYO, waxayna go’aankan ay soo saartay ku xustay isla-markaana ay u cuskatay dastuurka dalladda u yaalla, gaar ahaan qodobbada khuseeya qabsoomidda shirweynaha dalladda iyo doorashada hoggaanka cusub ee dhaca labadii sannaba hal mar.

Go’aankan ay soo saartay wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland ayaa lagu sheegay in hoggaanka rasmiga ah ee muddada labada sanno ee soo socda ay noqonayaan xubnihii lagu doortay xarunta dhexe ee dalladda SONYO, kuwaas oo kala ahaa Siyaad Cumar Cali oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka dalladda.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo go’aankaasi lagu shaaciyey ayaa u dhignaa sidan “Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanku waxa ay qaranka Somaliland uga masuul tahay Dhammaan arrimaha khuseeya dhalinyarada JSL, horumarkooda iyo sugidda jiritaanka hay’adaha dhallinyaro ee ka shaqeeya horumarka iyo dheeli-tirka waxtarka dhalinyarada, sidaas darteed wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaruha Somaliland,

 

  • Markay aragtay dastuurka dalladda guud ee dhalinyarada SONYO u yaala, gaar ahaan qodobbada khuseeya qabsoomidda shirweynaha dalladda iyo doorashada hoggaanka cusub ee dalladda ee dhaca labadii sano hal mar.
  • Ka dib markii ay aragtay in dastuurka dalladda SONYO dhigayo in tirada guud ururrada xubnaha ka ah dalladda SONYO ee xaqa u leh in ay ka qayb-galaan shirweynaha dalladda SONYO tahay 54 urur, kuwaas oo urur kastaa leeyahay laba cod, balse uu shirweynuhu marka hore ku furmi karo (Quorum) tiro ergo ah oo dhan 51%.
  • Ka dib markii aanu aragnay, ku qanacnay, goob-joogna u ahayn in shirweynihii 7-aad ee dalladda SONYO loo soo xidhay sifo sharci ah oo waafaqsan dastuurka iyo qawaaniinta dalladda SONYO u yaalla, ka dib markii shirweynuhu ku Dhammaan waayay muddadii labada cisho ahayd ee loogu talo galay.
  • Ka dib markii ay wasaaraddu dib-u-falanqaysay marxaladihii uu maray shirweynihii 7aad ee dalladdu iyo sifihii uu markii dambe dib ugu furmay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee dalladda SONYO 30-kii December 2014-kii.
  • Ka dib markii ay wasaaraddu hubisay, si buuxdana u xaqiijisay shirkaas kor ku xusan ee xarunta dalladda ka qabsoomay ay dhammaantood wateen kaadhadhka aqoonsi ee caddeynta u ahaa saxnaanta sharci ee ergaynimadooda.

Waxay wasaaraddu halkan ku shaacinaysaa iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda kaga beegan dhex-dhexaadinta iyo xallinta muranka ka dhashay shirweynihii 7aad ee SONYO, isla markaana tixgelinaysa sharciyada u dejisan dalladda SONYO iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo lana joogteeyo dimuqraadiyad-gudeedka (internal democracy) dalladda SONYO in:

    1. aqlibayadii ergadii shirweynaha dalladda SONYO ay soo saareen iyo go’aamo sharci ah oo waafaqsan nidaamka sharci ee dalladda taas oo ay doorteen hoggaan ka kooban ururada dalladda iyo Dhammaan gobolada dalka.
    2. golaha sare ee 7aad ee dalladda SONYO ee labada sanno ee soo socda ee saxda ahi uu yahay xubnihii lagu doortay xarunta dhexe ee dalladda guud 30-kii December 2014-kii kaas oo guddoomiye loo doortay Siyaad Cumar Cali iyo xubno golaha sare ee 7-aad, kuwaas oo kal-fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen ku doortay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe inuu ahaado guddoomiye ku-xigeenka dalladda SONYO.
    3. Go’aankani waa mid gunaanad rasmiya u ah dhex-dhexaadintii ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu muddo Saddex Usbuuc ah ku soo gudo-jirtay, sidaas daraadeed wasaaradda dhallinyaradu waxay Dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada la socodsiinaysaa in maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 25 bisha January 2015 in go’aankani yahay gunaanadka rasmiga ah ee soo gebo-gebaynaya murankii ka dhashay doorashada hoggaanka dalladda SONYO, sidaas daraadeed natiijo kasta oo ka duwan ta halkan ku cad, waa waxba kama jiraan, cid kasta oo ka hor timaadda fulinta go’aanadan waxa loo aqoonsanayaa fidmo-wade, waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon, isla markaana waxaa lala tiigsan doonaa sharciga iyo caddaalada.

 

 

Comments

comments