Madaxweynaha Somaliland Oo Go’aaan Ka Soo Saaray Dhulkii Masalaha Hargaysa Ee Muranka Dhaliyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuuud (Silaanyo) ayaa go’aan kama danbays ah ka soo saaray dhulkii lagu muransanaa ee Masalaha Hargaysa, kaas oo is fahan waa ka dhaliyay Ciidanka Qaranka cutubyo ka tirsan iyo dadka degaaanka.

Madaxweynaha oo xalay la kulmay odayaasha degaankaas, kana xogwaraystay cabashadoodi iyo xaalada dhulkaas,  ayaa amar ku siiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaciil Shaqale, inuu ciidamadda raro dhulkaas, sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Somaliland Go’aamiyay in dhulkaasi yahay dan guud oo uu leeyahay Garoonka Diyaaradaha Hargaysa. Geesta kale wuxuu Madaxweyne Silaanyo amar ku bixiyay in garoomada dhalinyaraddu ku ciyaaraysay ee dhulkaas ku dhexyaalay  sidoodi  ahaadan, loona habeeyo.

Go-aan ka gaadhista Madaxweynaha ee dhulkaas ayaa soo afjaraysa murankii ka soo yeedhaayay maal mihii u danbeeyay.

Comments

comments