Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa gaaray dalka Hindiya oo ay uga bilaabanayso booqasho qaadan doonta saddex maalmood.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirta dib usoo nooleynta xiriirka labada dal oo sanadkii hore mugdi galay, waxaana uu Obama ka qaybgali doona maalinta xorriyada dalka Hindiya oo berri ku beegan.
Balse safarka Madaxweynaha ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo maadaama amnigiisu si weyn loo ilaalinaayo ayna ka qayb qaadanayaan ilaa 19,000-askari.
Magaalada New Delhi waxaa lagu daadiyey ciidamo badan oo reer India, waxaana ku weheliya kuwa Mareykanka oo isku jira CIA-da, commandos iyo milateri.
Ilaa 15,000-kun oo Camera ayaa lagu xiray goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda, waxaana la joojiyey duulimaadyadii garoonka New Delhi inta uu joogo Madaxweynaha.