Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Oo Mardhawayd Ka Soo Baxay Wajaale kuna Soo Aadan Deegannadda Allaybaday

Date:

Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ayaa Mardhawayd Ka Soo Baxay Wajaale waxaanay ku soo Aadan yihiin Tuulooyinka Boodhlay,Lafta Boqor,Ijaara,Taysa Iyo Xidhanta,waxay sida la sheegay waftiga madaxweynuhu woxogaa ku nasan doonaan tuulada Xidhinta oo la sheegay in looga sii diyaariyay meel uu ku nasto.

Dad weyne aad u badan oo tuulooyinkaasi iyo nawaaxigeeda ku nool ayaa caleemo qoyan ula diyaar ah waftiga madaxweynaha,waxa ay saaka salaadii soo istaageen jidka uu soo marayo hareeraheeda iyagoo aad ugu hamuumqaba inay arkaan madaxweynahooda.
waxa waftiga madaxweynaha Woxogaa Cuwaaf ah iyo dhiilal caano ah loogu sii diyaariyay halka jidka Allaybaday dhismaheeda laga bilaabay oo ah meel u dhaxaysay tuulooyinka Taysa iyo Xidhinta halkaasi oo ay ku sugayaan daweyne aad u tiro badan oo iskaga kala yimid Hargeysa,Gabiley iyo magaalooyinka Degmada Allaybady maamusho,waxa ay duhurka ka qadayn doonaan Magaalada Allaybaday waxaana loo sii goglay guriga martida oo uu madaxweynuhu Xadhiga ka jarayo. Madaxweyne Siilaanyo ayaa mashaariic kala duwan xadhiga kaga jari doona degmada Allayabday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...