Baarlamaanka Federaalka oo diidey codsi uga yimid Raysalwasaare Sharmaake

Date:

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday codsi uga yimid Raysal wasaare Cumar C/rashiid oo ahaa in dib loogu dhigo horkeenida golaha wasiirada Cusub oo lagu balamay 17ka bishan.

Xildhibaanada ayaa ku murmay warqada uga timid Raysa wasaaraha iyagoo qaarka mid xildhibaana ay diidanaa in codsiga lagu celiyo Raysalwasaaraha lagana aqbalo dib u dhigista ansixinta xukuumadiisa, Halka xildhibaano ay ka soo horjeedeen go’aankaas.

buqq_91

Fadhiga xildhibaanada oo qaybtii hore uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa xakaymayn waayey hogaaminta fadhiga Baarlamaanka, waxaana xarunta soo gaaray gudoomiyaha Baarlamaanka Pro Jawaari oo si rasmi ah u furay dooda warqada codsiga ee Raysal wasaaraha.

Dood dheer ka dib waxaa cod loo qaaday codsiga uga yimid Raysal Wasaare Cumar C/rashiid waxaana codsiga in la aqbalo ka hor yimid 120 Xildhibaan halka ay ogolaadeen 57 Xildhibaan waxaana ka aamusay hal Muddane.

Sidaas waxaa looga hor yimid codsiga raysal wasaare Cumar C/rashiid waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in raysal wasaaraha la sugayo xukuumadiisa maalinta Sabtida ee taariikhd tahay 17ka January oo ah maalintii lagu balan sanaa  in la ansixiyo golaha wasiirada Cusub.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...