Sharci lid ku ah qorshaha Obama ee socdaalka oo la meelmariyay

Date:

Golaha wakiilada Mareykanka ayaa meel mariyay sharci hagal daacin doono hannaanka socdaalka ee madaxweyne Obama uu dhawaan ku dhawaaqay.

Hindise-sharciyeedkan ayaa waxbo kama jiraan ka dhigaya amarka madaxweyne Obama ee sida ku meel gaarka ah loogu ogolaanaya in ay dalka ku sii noolaadaan oo aan la musaafurinin ku dhawaad afar milyan oo qof oo sharci la’aan ku jooga dalka mareykanka.

Sharcigaasi ayaa wali u baahan in la hor geeyo aqalka senate-ka si loo ansixiyo, waxaana durbaba uu aqalka cad ee mareykanka ku hanjabay in uu codka diidmada qayaxan kala hor tagi doono hindise-sharciyeedkaasi.

Balse tallaabadaasi ay qaadeen xildhibaanada jamhuuriga ayaa wali ah mid wax ku ool ah maadaamaa ay muujinayso sida ay uga go’antahay in ay ku gacan seyraan amarka ka soo baxaya madaxweyne Obama.

Waxa ayna rumeysan yihiin in madaxweynuhu uu ku tagri falay awooddiisa kaddib markii uu bishii November ee sanadkii tegay uu ku dhawaaqay isbadal dhanka hannaanka socdaalka dalkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...