SOMALILAND:Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo La Filayo Inuu Maanta Booqasho Shaqo Ku Yimaado Magaalooyinka Dila,Baki Iyo Boorama Ee Gobolka Awdal Wakhti Ay Shaqaaqo Ka Jirto.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay soo gaadhaan Gobolka Awdal qaybo ka mid ah degmooyinkiisa oo ay ka mid tahay Dila,Baki Iyo Boorama.

Imaatinka waftigan culus ee uu hogaaminayo madaxweynuhu ayaa la filayaa in uu xadhiga ka jaro masaariic badan oo laga hirgaliyay qaybo ka mid ah degmooyinkaas iyo u kuurgalida xaalada guud ee Gobolka iyo arrimihi ugu danbeeyay,waxaa kale oo la filayaa inuu la kulmo hogaanka dhaqanka beelaha gobolada Galbeedka Somaliland iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah.

Waftigan Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu safarkiisan ku horeyn doono magaalooyinka dila iyo baki isaga oo lugtiisa ugu danbeysana soo dhigi doono xarunta caasimada labaad ee Somaliland Ee Gobolka Awdal ee Boorama waxaana xusid mudan in madaweynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ay soo mari doonaan wadada cusub ee Xeego Boorama oo ah mid dhamaystirkeedu gabogabo ku dhaw yahay.

Waxaa caawa magaalooyinkaas si weyn looga dareemayaa qaban qaabo xoogan oo ku aadan soo dhawaynta madaxwyenaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftiga uu hogaaminayo waxaana caawa meelaha wax lagu daabaco ee magaalada Boorama laga dareemayaa saxmad xoogan oo ku aadan samaynta calamo iyo istiikaro uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweyne Siilaanyo oo ay halku dhig loogu dhigay ku soo dhawaw madaxweyne dalkaaga iyo dadkaaga qalbi furan.

Comments

comments