Boko Haram oo dad badan ku dishay Baga

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay sawiro lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya dhibaatada ka taagan magaalada Baga iyo Doron Baga ee dalka Nigeria.

Hay’adda ayaa sheegtay in sawirada ay muujinayaan wax aan la dafiri karin oo laga argagoxo oo ka dhashay weerar ay isbuucii hore Boko Haram ku qaadeen magaaladaasi.

Amnesty ayaa sheegeysa in sawirada oo la qaaday ka hor iyo kaddib weerarka, ay tusinayaan in inkabadan 3500 oo guryo la burburiyay.

Goobjoogayaal ayaa ka sheekeeyay argagax iyo murugo ka taagan Baga sida ay hay’adda qirtay.

Mid ka mid ah ayaa waxa uu ka sheekeeyay toogasho aan kala sooc lahayn iyo dilka caruur yaryar iyo haween foolanaya.

Waxaa lagu qiyaasayaa dadka halkaasi ku dhintay in kabadan laba kun oo qof, balse wasaaradda difaaca ee Nigeria ayaa sheegtay in 150 qof oo keli ah lagu dilay Baga.

Comments

comments