SOMALILAND:Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyay Xeerka Komishanka AIDS-ka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhaqan-geliyay Xeerka xakamynta Guddida heer qaran ee Komishanka AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul), xeerkaasi oo ay dhawaan ansixiyeen goleyaasha sharci dejinta.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee
ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida
(Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

Wuxuu Soo Saaray: Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.”

Comments

comments