SOMALILAND:Booliska Iyo Tallaabooyinka Ay Ka Qaadayaan Kooxaha Abaabulan Ee Dhalinyarrada

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in hawl gallo ciidanka Boolisku ay sameeyay horraanta sanadkan cusub ay ku soo qabqabteen Mukhaadaraad tiro badan, waxaanu farriin adag oo digniin ah u diray dhalinyarada Kooxaha isku disha ama dadka u waxyeelaysa koox-koox.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, isaga oo arrintaasi ka hadlayana uu yidhi “Todobaadkii u dambeeyay iyo kan aynu horraantiisii ku jirnaba Ciidanka Boolisku wuxuu fuliyay hawlgalo balaadhan oo wajiyo badan leh, kaasi oo ku wajahnaa Mukhaadaraad iyo dhalinyaro Koox isku disha oo sanadkii horena hawlo badan ciidanka Boolisku ka qabtay oo ilaa 550 Sharciga la hor geeyay xukunno kala duwana ku xukumay”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sharaxay Mukhaadaraad Ciidanku qabtay “Wuxuu todobaadkan Ciidanka Boolisku qabtay Mukhaadaraad aad iyo aad u fara badan, kaas oo isugu jira Xashiishad iyo Khamriba. Illaahay mahadii waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen saddex Xidhmo oo Xashiishad ah oo sida Jaadka dhaadheer loo xidhay iyo Saddex Eedaysane iyo Baabuur, waxaana la hor gayn doonaa Sharciga, Ciqaabna way mutaysan doonaan.”

“Sidoo kale Ciidanka boolisku waxay qabteen Khamri dhan sagaal boqol iyo shan (905 Litre) Litir. Khamrigaas waxaa lagu qabtay hal Eedaysane iyo laba Baabuur, waxaanu Magaalada Hargeysa ka soo galay laba jaho. Khamriga iyo Xashiishadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha amaanka khal-khal galiya” ayuu yidhi Taliye Cabdillaahi Fadal.

Taliyaha Booliska Somaliland ugu dambayn waxa uu sheegay in Ciidanku si adag uga hawl galay xakamaynta Tahriibta islamarkaana Dhalinyarada Somaliland ee tahriibaysa uu soo qabto. Waxa uu sheegay in 180 Qof oo ka mid ah Qoomiyadda Oromada oo tahriibaysa lagu qabtay Meelo kala duwan oo dalka ah islamarkaana dib loogu celiyay Ethiopia. Wuxuu Taliye Fadal farriin u diray dhalinyarada Rabshadaha kasamaysa Magaalooyinka dalka, kuwaasi oo uu sheegay in Ciidanka Boolisku ka qaadi doono talaabo adag.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...