SOMALIA:Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD oo Muqdisho ka furmay

Date:

Markii u horeysey muddo 9 sano ah ayaa mar kale Soomaaliya martigelisey shir heerkiisu sareeyo, kaas oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Urur-goboleedka IGAD.

Shirka oo maanta ka furmey Muqdisho gaar ahaan Hotel al-Jazeera isla maantana soo xirmanaya ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus , Djibouti Mahamoud Cali Yousuf, Suudaanta Koonfureed Dr. Barnaba Marial Benjamin , Sudan Cali Karti , Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda Henry Okello Oryem iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Maxboub Macalim, iyo Dowladda martida loo yahay ee Soomaaliya.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyey saddexdii maalmood ee u danbeysey, waxaa xiran waddooyinka waaweyn qaarkood iyo ganacsigaba si saacadaha shirku u socdo loo sugo amniga ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ah oo la oggol yahay.

Waxaa shirka furey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalihga ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana uu ugu horeyntii mahad u celiyey dalalka IGAD kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ka hadley sida ay Soomaaliya maantey u hayso waddo sax ah oo aan dib looga laaban doonin.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa taageeridda Soomaaliya oo dib u soo kabaneysa, afar dal oo ka mid ah kuwa shirka ka qayb-qaadanaya, waxaa Soomaaliya ka jooga cidamo aad u badan oo ku socda magaca AMISOM, Sidoo kale shirka ayaa lagu dhegaysan waxqabadka Dowladda federaalka iyo barnaamijkeeda 2016.

Sidoo kale waxaa Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAd la hadley raysalwasaare Sharmarke, oo weli ku mashquulsan xulashada Golihiisa Wasiirada.

Dhamaan Wasiiradii IGAD ee khudbadaha ka jeediyey ayaa isku raacey in Soomaaliya ay ku talaabsatey horumar badan oo dhanka amniga ah, isla markaana wax badan ay dhiman yihiin, waxaana ay sheegeen in ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Shirkii u danbeeyey ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD ay Soomaaliya ku yeeshaan ayaa ahaa sanadkii 2005 waxaana uu ka dhacay magaalada Jowhar oo markaas xarun kumeel gaar ah u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed, Magaalada Muqdisho oo IGAD shir ku yeelato waxaa u danbeysey muddo 30 sano ah ka hor.

This slideshow requires JavaScript.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...