Qisadii Wasiir Samaale iyo Gabadhii shaqodoonka ahayd!!! (Qiso dhab ah oo qiiro leh)

Date:

Waxay shalay salaasadii markii todobadii Subaxnimo aanu hor tubneyn gudaha wasaaradda maaliyadda ee Somaliland.Salaasadu waa maalinta Dadweynaha ee Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu maalintaas waxa uu u gaar yeelay in uu la kulmo oo qanciyo oo muuraadkoodana u dhammeeyo dadka muwaadiniinta ah ee Wasaaradda hawli kaga soo xidhanto.Waxaanu ahayn koox Muwaadiniin ah,oo isa soo xaadirisay subaxii horeba si ayna u seegin Wasiir Samaale inta uuna ka bixin xafiiskiisa shaqada ee ku yaalla Wasaaradda Maaliyadda dhexdeeda.

Had iyo goor marka aad wasaarad muraad  u yeelato,ma dhib yara in aad markaas ba wasiirka la kulanto ama hawshaad u socoto markaas ba laguu dhammeeyo.Waa in aad muddo badan gidaarka soo taabataa oo lagu yidhaahdaa;Wasiirkii ma joogo,Wasiirkii wafti ayuu la fadhiyaa oo

uu la shirayaa…ama wasiirkii dalkaba ma joogo.hadaba, nasiib wanaag shalay salaasadii aniga iyo dad badan oo aanu ku jirnaa waxaanu nasiib u helnay in aanu galno xafiiskii Wasiirka Maaliyadda Somaliland,Mudane C/casiis Maxamed Samaale,ka dib markii aanu in badan oo sacad ku dhow hor tubneyn,waayo;Waxa naga horreeyey oo naga soo hor galay Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland,Mudane Maxamuud Xaashi,inyar ka dibna hadana waxa nasoo jiidhay,Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka,inyar kadib isna waa ka soo baxay.Markii intaasi dhacday ayaa askarigii noo faxay in aanu galno hoolka sugidda Wasiirka,inyar ka dib,hadana waxa uu inankii

xoghayntunoo sheegay in aanu hadda wasiirka ugali karno oo aanu la kulmi karno dhammaantayo.annagoo ilaa 18 toban qof ah ayaanu wasiirkii u galnay,waxa nagu jirtay gabadh.Wasiirkii Samaale oo xafiiskiisii fadhiya ayaa nagu yidhi:Soo dhawaada Walaalayaa idinka oo mudan ixtiraam,Alan Wasahlan,Ma wada fiicantihiin Walaalayaal.

Waxaanu ugu jawaabnay haa Sacaatul wasiir waanu wada fiicannahay.Markii aanu fadhiisannay waanu khajilnay oo qof waliba,waxa uu doonaayey in uu isaga oo qudh ahi u galo wasiirka si muuraadkiisa ugu sheegto.Wasiir Samaale Waxa uu na weydiiyey su’aal ahayd;(Ma jiraa Qof Wasaaradda Waraaq ama codsi hore uu u keenay ka taallay?)

Gabadhii qudha ahayd ee nagu jirtay ayaa inta ay farta taagtay tidhi: Haa Wasiir aniga waraaq codsiya ayaa iga taallay.Waxa uu weydiiyey maxay ku saabsaneynd? Gabadhii waxay ugu jawaabtay wasiir Samaale,Wasiir waxaan ahay gabadh muwaadinad ah oo saaxibul ciyaal ah,oo waxaan doonaayey in aad Wasaaradda iga siisid shaqo nadiifin ah, si aan bal nolosha uga soo saaro,(Shaqo masaxaad ah).(Wasiirku inta uu eegay ayuu ku yidhi gabadhii…..waanu ka xunnahay,wasaaradda imika waxa shaqo ah oo ka bannaani ma jirto…had iyo goorna dad badan ayaa noo yidhaamaada qof waliba shaqo doonaayo.. waananu ognahay oo waanu dareemaynaa dadku badankoodu shaqo la’aani hayso… markaas….aniga oo walaal mahadsan immika shaqo mahaynno…….)gabadhii inta ay kor u hinqatay ayey iyadoo sii kaxaysa oo murugo ka muuqato…wasiirkii ku tidhi:(Wasiir walaalahi waliba waxaan ahay gabadh horena wax u soo baratay oo dugsina soo dhigatay ee duruuf baa i haysa …………..) Wasiirkii iyo aniguba mar qudha ayaanu naxney markii ay gabadhu ku dhawaaqday erayadaas ah…..Wallaahi wasiir waxaan ahay gabadh xataa iskuul soo martay oo wax soo dhigatay….Wasiirkii inta uu naxay ayuu adkeysan waayey gabadhaas,waayaha sheegatay ee waliba wakhti,wakhtiyada ka mid ah,

nolol dugsi soo martay.

Wasiir Samaale gabadhii waa uu ka farxiyey oo waxa uu yidhi,Bal waayahay ee Dibadda igu sug aniga ayaa kuu soo bixi doonee…halkaas markii ay sheekadu mareysay ayaanu wada faraxnay waayo dhamaantayo waanu naxsaneyn oo waxaanu ka naxsaneyn duruufta haysatay gabadhaas muwaadinadda ahayd ee codsi u soo qoratay in ay Wasaaradda masaxdo..duruf dhaqaale awgeed.gabadhii markii ay dibadda u baxday ayaa uu wasiirkii yidhi,waydinkaas oo waxaad arkeysaan dhibta shaqo la’aantu dalkeenna ku hayso, bal immika eega gabadhaas xataa dugsiga soo dhigatay ee raadineysa masaxaad iyadoow ku kaliftay duruufta-dhaqaale ee dalkeenna ka jirta.inta yadii kale dhammaanto arrimo ka fudud oo dheeraad ayaanu annagu u soconnay oo waxaanu ku hadalno ayaanu garan weynay ….kkkkkk.wiil kale isaguna hawshii uu u socday wasiirku waxa uu ku yidhi, annaga wasaaraddayadu ma qaabilsana arriintaas,ee waxaan ku qori karaa,qoraal ah, inankaas u fududeeya,wiilkii inta uu istaagay ayuu ku yidhi,Wasiir intaasiba nooga dari meyso ee noo qor……dadkii kale way wada aamuseen,aniga ayaa farta taagay, waxaan u sheegtay Wasiirka muraadkii aan u socday…dabadeed inta uu wasiirkii qoslay ayuu yidhi waa intii aan ka hadlaayey ee badankiinnu u socoteen…..kkk….aniga waxa uu igu yidhi codsi soo qoro….intaas markii uu yidhi ayaan isla markiiba xafiiskii wasiirka dibadda uga baxay. Ma garanaayo xaaladda gabadhii muwaadinadda ahayd ay ku dambeysay, laakiin waxaan filayaa in uu wasiirka oo ahaa,wasiir niyad fiicani ka muuqatay oo ahayd in qof walba oo u yimaadaa, isaga oo faraxsan ka baxo,uu muraadkii gabadhaas u dhammeyey oo uu shaqadii ama wax u dhigma u qabtay oo uu u ka farxiyey oo uu u fuliyey wixii ay dooneysay.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Qore:C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macallin dhiga luuqadda ingiriisiga/Aqoonyahan School for English.

Email:ansaari25@hotmail.com/Tel: 063 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...