Qaraarka Falastiin ee UN oo fashilmay

Date:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeey ayaa diiday qaraar qabyo ahaa oo Falastiin ku saabsan, kaas oo ay gudbisay dowladda Urdun, kuna baaqayo in haysashada Israa’iil ee dhulka Falastiin lagu soo afjaro seddax sano gudahood.

Qaraarka oo sidoo kale Falastiin u aqoonsanaya inay dal tahay ayaa u baahnaa sagaal cod si uu u meel maro, laakiin waxaa ogolaatay sided dal oo keli ah.

Laba dal ayaa diiday qaraarka, kuwaas oo kala ah Australia iyo Mareykanka, waxayna ku doodeen inuusan ka turjunmeynin amniga Israa’iil.

Shan dal oo ay ka mid yihiin Britain iyo Nigeria ayaa diiday qaraarka.

Safiirka Jordan ee Qaramada midoobeey, Dina Kawar ayaa sheegtay in codka lagu diiday qaraarkan uusan hor istaageynin dadaalka xalka loogu raadinayo dagaalada.

Wakiilka Israa’iil ee UN-ka, Nitzan, ayaa si adag uga hor imaaday qaraarka oo diiday.

Falastiin ninka wakiilka uga ah Qaramada midoobeey, Riyad Mansour, ayaa sheegay in codeynta ay muujineyso sida beesha caalamka ay u daneyneyso arrinta Falastiin.

Source: BBC Somali

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...