Tata Martino: Waxba Ma Aanan Barin Messi Markii Aan Joogay Barcelona.

Date:

Tababaraha xulka Argentina Gerardo Martino ayaa qirtay inuusan waxba barin Lionel Messi halkii xilli ciyaareed ee uu macalin ka ahaa Barcelona.

Tababaraha ayaa shaqada Barcelona la wareegay xilli ciyaareedkii 2013-14, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu soo xareeyo koob weyn ka dib markii Atletico Madrid ay xaqiijisatay koobka La Liga maalintii ugu danbeysa ee xilli ciyaareedka.

Martino ayaa hore u qirtay inuu ogsoon ahay inuu qaladaad waa weyn sameeyay waqtigiisii Barcelona laakiin haatan waa uu ku fogaaday isagoo qirtay inuusan waxba ku soo kordhinin kooxda Barcelona xilli uu u waramayay jariirada Argentina ee Clarin.

Markii la weydiiyay haddii uu wax baray Messi markii ay isla wada joogeen Barcelona, Martino ayaa yiri: “Waxba, waxba ma barin gabi ahaanba. Waxba ma barin isaga ama Barca.

“Wax xusuus ah kagama tagin Barcelona, waa wax aad u yar waqtigeygii Barcelona marka loo fiiriyo waxa aan sameeyay tababare ahaan.

“Waa wax caqligal ah in guuldarro lagu tilmaamo xilli ciyaareedkeygaas. Waxaan aaday koox wax walba ku guuleysan jirtay mar walba, waxna kuma aysan guuleysanin markii aan halkaas joogay. Supercopa waxba lama ahan Barcelona.

“Waxa kaliya aan ka bartay Barcelona ayaa ah inay igu hareereysan yihiin xiddigo, kuwa ugu fiican dunida.

“Qaladaad waa weyn ayaa sameeyay markii aan joogay Barcelona. Maxay ahaayeen? Waxaan ku sheegi doonaan mar kale.”
Source: Laacib.net

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...