Suuriya: ISIS oo wareysi ka qaaday Duuliyihii ay Qabteen

Kooxda ISIS ayaa soo bandhigtay wareysi ay jariiradooda ka qaaday duuliyihii u dhashay dalka Urdun (Jordan) oo ay gacanta ku dhigeen Khamiistii lasoo dhaafay.

Duuliyahan waday diyaaradaha militariga ee duqeenayey kooxda ISIS ayaa lagu magacaabaa Mucathib Al Kacasebex waana 26 jir u dhashay dalka Urdun.

Wareysigan ayaa lagu shaaciyey jariirada internetka lagu faafiyo ee ISIS leedahay DABIQ, taasi oo ku qoran luuqada Ingiriiska.

Qoraalkan ayaa waxaa la socday sawiro laga soo qaaday duuliyahan maxbuuska u ah ISIS oo qaba dharka maxaabiista ee huruuda ah, taasi oo astaan u ah dadka ay dilayaan.

Askarigan kamid ah ciidamada Cirka ee Jordan ayaa wareysigan lala yeeshay ku sheegay qaabkii lagu soo riday diyaaradii uu waday oo kusoo dhacday duleedka magaalada Al Raqqa ee waqooyiga wadanka Siiriya.

Su’aasha ugu danbeysa ee wareysigan ayaa la weydiinayaan duuliyahaasi waxa uu filayo inay ku sameyn doonaan kooxda ISIS, isagoo taasi uga jawaabay inuu filayo inay dhawaan dili doonaan.

Abdirisak Shino
Source: Horseed Media

Comments

comments