Somalia: Madaxii Sirdoonka Al Shabaab oo Nairobi loo qaaday

Date:

Sakariye Ismaaciil oo ahaa madaxii sirdoonka kooxda Al shabaab oo todobaadkan isku soo dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel Waaq ayaa la sheegay in loo qaaday caasimada Kenya ee Nairobi.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa hogaamiyayaashii sare ee Al shabaab oo ay horey dowlada Maraykanka u dul dhigtay lacago badan soo qabashadooda, ayaa waxaa lagu waday inuu loo qaado magaalada Muqdisho si loogu wareejiyo ciidamada nabadsugida ee dowlada Soomaaliya.

ADVERTISEMENTS

Balse wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaalkan ay la wareegeen ciidamada Kenya kuwaasi oo diyaarad kasaaray airporka Wajeer taasi oo usii gudbisay magaalada Nairobi.

Waxaa la filayaa in dowlada Kenya sarkaalkan dooneyso inay wareysiyo kala yeelato falalkii isugu jiray Qaraxyada iyo weerarada oo ay kooxda Al Shabaab ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Isa-soo dhiibida Sakariya Ismaaciil ayaa kusoo beegmaya xili uu dhawaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ku dhawaaqay in cafis loo fidin doono dadka u dagaalamaya Al Shabaab hadii ay isu soodhiibaan dowlada.

Macada in sarkaalkan loo dhoofiyey Nairobi dib loogu soo celin doono gacanta dowlada Soomaaliya iyo in kale.

Dowlada Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sarkaalan la sheegay inoo loo qaaday Nairobi xili la filayey in la keeno Muqdisho, waxaana jira saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo inay xaqiijiyeen in Sakariya loo qaaday Nairobi.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...