Somalia: Al Shabaab oo weerartay Daynuunaay, Baydhabo

Date:

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa subaxnimadii Salaasada weerar gaadmo ah ku qaaday xerada ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Daynuunay oo 25km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Weerarkan ayaa la sheegay in khasaaro labada dhinac kasoo gaartay, iyadoo aan faahin faahin weli laga bixin tirade dhimashada iyo dhaawaca. Kooxda Al Shabaab ayaa iyadu sheegtay inay gebi ahaan goobtaasi si kooban ulla wareegtay kana saartay ciidamada dowlada Federaalka.

Weerarka maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa kusoo beegmaya xili kooxda Al shabaab ay cadaadis dagaal kala kulantay ciidamada AMISOM oo horey ugala wareegay goobo muhiim ah iyo xaruntoodii magaalada Baraawe oo la sheegay inay xarun u noqon doonto maamulka Koonfur Galbeed oo hogaamiyaheeda dhawaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq ka wada gobalada Bay, Bakool iyo Gedo xili ay jiraan qorshe ciidan oo ka socda Baydhabo, Kismaayo iyo Barawe oo ay wadaan ciidamada AMISOM kaasi oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro gobaladaasi.

Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay inay diyaarisay ciidamo cusub oo dooneyso inay ku xoojiso hawlgalada la filayo in dhawaan ay ka bilowdaan gobalada Jubooyinka, Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...