“Suldaan Wabar Wuu ka Xog La’ yahay Marxaladihii Dalka”

Todobaadyadii la soo dhaafay waxa Dalkeenna aad looga Hadal hayay Suldaan la Sheegay inuu Jabhadayn ka bilaabayo deegaanada Galbeed ee Gobolka Awdal isaga oo Suldaankaasi Hadalo Dhiillo iyo Hanjabaado xambaarsan uu Sidii Wadaadkii Usama Bin Ladin kolba Warbaahinta u soo dirayay, waxaana dad badan oo Dalka gudihisa iyo debadiisaba ku nool la Yaab ku noqday in nin Derajo Suldaan sitaa oo waliba ka soo jeeda Gobal ka mid ah Gobolada ugu Xadaarada, Horumarka iyo Aqoonta badani uu Qarnigan 21aad u hanqal taago inuu yidhaa Jabhad ayaan Samaynayaa, dagaalana waan gelayaa, inaga oo ogsoon in Qarnigani aanuu ahayn Qarnigii Jabhadaha, Dunidnuna ay si wada jir ah uga soo horjeedo Jabhadayn iyo wixii ku lug leh.

Dib u Raaca Taariikheed ee Mucaaridnimadii Dr Xasharo iyo Jen. Tallan!

Inta aynaan u gudo gelin Arrinta Suldaan Wabar waxaa Muhiim ah inaynu dib u Milacsano Taariikhda Gobolka Awdal iyo Dariiqii ay ku danbeeyeen Laba Masuul oo reer Awdal ahaa oo hore u soo maray dhabada qadhaadh ee uu Imika Suldaan Wabar ku socdo, iyo Guuldarrada la kulantay hamigoodii, ka dib markii ay Shacbiga reer Awdal oo ah dad Il-bax ahi ay Dhabarka u jeediyeen kana hor yimaadeen Siyaasadii madhalayska ahayd ee ay ku kaceen xubnahaas isku dayay inay Somaliland ka hor yimaadaan, fidnana ay ka abuuraan Dhulkeenna Hooyo.

Dr. Maxamed Faarax Cabdilaahi (Xasharo)

Mucaaridka koowaad ee ugu horreynba ka hor yimi Gooni isu taaga Somaliland bilowgii Sanadkii 1991kii waxa uu ahaa Muwaadin Reer Boorama ah oo la odhan jiray Allah ha u Naxariistee Dr. Maxamed Faarax Cabdilaahi (Xasharo) oo madax ka ahaa Urur ay Aasaaseen Kooxo Qurbo joog u badnaa oo Reer Boorama ah oo la odhan jiray Somali Democratic Alliance “SDA”. Xasharo waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay Inaan Somaliland la Aqoonsan, waxaana uu Xoogga saaray oo uu si weyn isugu dayay in reer Awdal ay Hubka Qaataan oo ay ka hor yimaadaan Somaliland, waxaana uu ku guul darraystay arrinkaas ka dib markii ay Dadweynaha Nabada iyo Horumarka jecel ee reer Awdal ay ka iibsan waayeen fikirkiisii khaldanaa, Xasharo muu ahayn nin Soomaali-weyn doon ah oo kaliya, ee waxa uu ahaa xataa nin si weyn u necbaa inuu Hargeysa cagaha dhigo.

Waxaan xasuustaa markii uu dhamaaday shirkii u horreeyay ee Addis-ababa loogu qabatay Ururradii Soomaalida ahaa Sanadkii 1992 oo wefti Somaliland ka socday ay ka qayb galeen ayaa waxa Marxuum Ibraahim Meygaag Samatar iyo Waftigii Somaliland ka socday ay Addis Ababa ku arkeen Xasharo oo SDA metelaya, waxaanay ku qanciyeen inuu Boorama soo arko oo uu soo eego waxa ay Dadka reer Awdal aaminsan yihiin, isaganu wuu ka yeellay codsigaas inuu Boorama yimaado, hadaba diyaarad ay lahayd shirkad la odhan jiray Puntavia oo aan ka shaqayn jiray ayaa labadaas Marxuum ee Xasharo iyo Ibraahim Meygaag ka soo qaaday Jabuuti, waxaana uu Qorshuhu ahaa in Diyaaradu ay Boorama ku soo horreyso, Nasiib darro waxa Boorama ka da’ay Roob Aad u weyn, Waxaana Baylootkii uu diyaaradii ka soo dejiyay Hargeysa, waxa markaas aanu u sheegnay in Rakaabkii Boorama u socday ay Madaarka Hargeysa dhawr saacadood ay joogaan, diyaaraduna ay Rakaab Jabuuti u socday ay Hargeysa ka qaado, ka dibna markay soo noqoto ay Boorama tagto.

Waxaa goobtii dagaal ka kiciyay Marxuum Xasharo oo diiday inuu Hargeysa dhawr saacadood joogo, waxaana uu ku adkaystay in Jabuuti uu ku noqdo kol haddii Boorama aanu toos u tegayn, taasoo anaguna aanu diidnay, hase yeeshee Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar ayaa si adag noola hadlay oo noo sheegay in Xasharo Jabuuti aanu geyno haddii uu sidaas jeclaaday Maadaama uu Isagu uu Ninkan soo casuumay, waxaanu markaas ogolaanay sidii uu jeclaa Xasharo oo Jabuuti ayaanu diyaaradii u saarnay, Allah ha u Naxariistee Xasharo waxa uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho bilowgii Sanadkii Hore ee 2013 isaga oo go’doon ah, oo jooga meel ka fog Deegaankii uu u dhashay ee ay Ehelkiisa iyo Asxaabtiisu joogtay isaga oo fikirkiisii Soomaali weyna uu saqiiray.

Jeneraal Yuusuf Tallan:

Waxaa kale oo Xusid Mudan Masuul kale oo Reer Boorama ahaa oo Alla ha u Naxariistee Magaciisa la odhan Jiray Jenaraal Yuusuf Tallan oo ahaa Sarkaal qiimo weyn ku lahaa Ciidankii Xoogga Dalka, si weyna loogu amaani jiray inuu badbaadiyay dad badan oo ka soo jeeday Beelihii SNM taageeri jiray xiligii Dawladii Maxamed Siyaad Barre Xasuuqaysay Shacbigii SNM? Hadaba Jeneraal Tallan oo bilowgii hore la shaqeeyay Xukuumadii Madaxweyne Cabdiraxman Axmed Cali “Tuur” Allah ha u Naxariistee , ayaa markii dambe waxa uu ka biyo diiday kana hor yimi Siyaasadii Hogaamineed ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal bilowgii Sanadkii 2000 oo uu Dalka Jabuuti ka socday Shirkii Carta ee Cabiqasim Salaad Xasan lagu doortay, waxaana xiligaas Gobolka Awdal ka taagnaa dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran, iyada oo ay saameyn balaadhan ku yeelatay Markii uu Madaxweyne Cigaal xidhay Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaana uu Jenaraal Tallan ka degay magaalada Muqdisho isaga oo ka hor yimi Madaxbananida Somaliland, hase yeeshee isaga oo aan wax natiijo ah ka gaadhin halgankiisii ayay Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayni ay Magalaada Muqdisho ku dhex dileen 17kii October 2000, waxaana uu ku dhintay Magaalada Muqdisho Allah ha u Naxariistee.

imika iyo Suldaan Wabar?

Waxa imikana muuqata inuu Buraashada usoo biyaysatay Suldaan Wabar oo Qurbojoog ahaa kana Xog iyo Xogogaal la’ duruufihii kala duwanaa ee ay soo Mareen reer Awdal 23kii Sanadood ee la soo dhaafay, waxaana uu Suldaanku u badheedhay inuu khalkhal gelyo Nabadgelyda iyo Horumarka balaadhan ee ay reer Awdal gaadheen mudada ay Somaliland jirtay, waxaase muuqata oo aan cidna ka qarsoonayn in Suldaan Wabar uu mari doono Jid la mid ah Jidkii ay mareen Saaxiibadiisii ka horreeyay kana Aqoonta badnaa ee Allah ha u Naxariistee Jenaraal Yuusuf Tallan iyo Dr. Maxamed Faarax Xasharo oo labaduba meel Cidla ah oo aan dadkoodu joogin ku geeriyooday, iyada oo sida la saadaalin karana laga yaabo in Suldaan Wabar uu dhinaca Muqdisho u Cararo hadii Gacanta loo qaado, sababtoo ah suurto gal u noqon mayso in uu Jabhad ku dhex haysto gudaha Dalka Somaliland, waxaana hubaal ah hadii aanuu degdeg isu daba qaban oo aanuu khaladkiisa ka soo noqon in Gacanta lagu dhigi doono Geeri iyo Nolol mid uun.

Iyada oo Muwaadin kasta, Beel Kasta, Qabiil kasta iyo Gobol kasta oo Somaliland ahi uu wax ka taban karo Saami Qaybsiga Khayraadka Dalka iyo Awoodda Qaranka, Isla markaasna ay jiraan dariiqyo badan oo loo mari karo si aad tabashadaada u gudbiso, ayaa waxaa xaaraan ah oo aan marnaba la aqbali karin Cidii ku fikirta inay isku daydo inay Jabhadayn ama wax Nabadgelyada wax u dhimaya ku kacdo, waxaana reer Somaliland ay Heshiis Buuxa ku yihiin in Gacanta la saaro oo talaabo adag laga qaado cid kasta oo ka hor timaada Qaranimada iyo Dawladnimada Somaliland, waxaana Waajib Buuxa oo Dastuuri ahi Saaran yahay Ciidamada Qaranka ee Somaliland inay Burburiyaan cid kasta oo fal noocaas ah ku kacda qofka uu doono ama qabiil ka uu doono ha ahaadee.

Xalku Waa Maxay?

Marka hore waxaa Muhiim ah in Warbaahinta laga joojiyo Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta Fadhiidka ah oo Mucaarid iyo Muxaafid kuu doono ha ahaadee TV yada iyo Warbaahinat ka dhurma oo kagaga hadla arrimaha Gobolka Awdal, Looma baahna Siyaasiyiin ka dhex baayac mushtaraysa ama derajooyin iyo hunguri kale ka dhex raadiya arrimaha ka taagan Awdal, waxaana loo baahan yahay inay reer Awdal ogaadaan in dadkaasi Afxumada wadaa aanay cidna wakiil ka ahayn, waxaana lagama maarmaan ah in reer Awdal ay ka war sugaan Gudiga Qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u saaray wax ka qabashada tabashada reer Awdal, waxaa kale oo Muhiim ah in ay reer Awdal ogaadaan in aanuu Khayr iyo Barwaaqo u soo Wadin Suldaan Wabar, balse uu yahay nin Qurbo Joog ah oo doonaya inuu Hoog, Halaag iyo Colaad uu geliyo Dalkeena, gaar ahaan Gobolka Awdal oo ka mid ah Gobolada ugu Horumarsan Dalkeena, waxaana ku Waajib ah inay hangool faraarro leh iskaga qabtaan suldaanka iyo kooxdiisa Al-Wabar ee Fidno wadayaasha ah, iyada oo Xukuumadana looga fadhiyo in si Togan oo dhug leh ay u dhegaysato Tabashada reer Awdal oo ah Geesiyaal Udub dhexaad u ah Qaranimada Somaliland.

Dawladaha Deriska ah:

Jamhuuriyada Somaliland waxay xidhiidh Aad u Fiican Korna u Kobcaya ay la Leedahay labada Dal ee Itoobiya iyo Jabuuti, iyada oo Amaanka Somaliland iyo Amaanka Dalalkaasi uu yahay mid isku Sidkan oo saameyn weyn isku leh, waxaana loo baahan yahay in Dal kastaa uu ka Qaybqaato Degenaanshaha Mandaqada taasoo cid kasta ay Dani ugu jirto, iyada oo maanka lagu hayo in Hadii Xasilooni darro ay ka dhacdo meel ka mid ah Mandaqada ay Saamayn taban ku yeelanayso Dal kasta, waxaana Waajib ah in laga hor yimaado cid kasta oo Nabadgelyo darro abuuraysa, si wadajir ahna loola dagaalamo.
Ugu danbayn waxaan Hubaa oo aan Aad ugu Kalsoonahay in Reer Borama ay yihiin dad Caqli badan oo aan si fudud u Burburin karin Nabdgelyda, Horumarka iyo Barwaaqada ay gaadheen 23kii Sanadood ee ay Somaliland jirtay, Waxaanan u soo Jeedinayaa Shacbiga reer Awdal inay meel uga soo wada jeestaan Suldaan Wabar iyo Kooxaha la fikirka ah ee Qurbojoogta ah.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com

Comments

comments