Somalia: Beesha Caalamka oo soo dhaweysey Cumar Cabdirashiid Cali

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyey kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay siiyeen Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, in uu noqdo Raysalwasaarha a cusub ee Soomaaliya.

Ban Ki-moon ayaa ku dhiirigeliyey Raysal-wasaaraha cusub, Madaxweynaha iyo Afhayenka Baarlamaanku in ay wadajir u shaqeeyaan, si ay mar kale majaraha geeddi socodka siyaasadda u wada qabtaan, sidoo kale waxa uu ka codsadey in ay si dhaw ula shaqeeyaan maamulada kumeel-gaarka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, sida ay qortey warbaahinta XINHUA

Ban Ki-moon ayaa sidoo kale ku dardargeliyey madaxda federaalku in ay la yimadaan xukuumad loo wada dhan yahay, meelna iska dhigaan khilaaf danbe oo soo dhexgala.

Ban Ki-moon ayaa hoosta ka xariiqey in wax badan ay dhiman yihiin in la qabto ka hor inta aan waqtigu ka dhicin dowladda September 2016, waxaana uu shegay in Qaramada Midoobey ay sii wedeyso tageradii Soomaaliya.

Marayanka

Dhanka kale War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegey in Maraykanku si weyn u soo dhaweynaayo in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku ay kalsooni siiyaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke in uu noqdo Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya

Afhayeenka Wasaaradda Jen Psaki ayaa sheegtey in ay ka dhawrayaan raysalwasaaraha cusub in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo u qalma xilalkooda, waxaana ay ku dhiirigelisey Madaxdweynaha, Raysalwasaaraha iyo xukuumadda la soo dhisaayo in ay horumar ka sameyaan taabo gelinta yoolaka la hiigsanaayo marka la eego waqtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, sida; in dib u eegis lagu sameyo Dastuurka, sameynta Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka, hormarinta ciidamada qalabka sida iyo Booliska iyo dib u habeynta dhaqaalaha.

Ugu danbeyn ayaa lagu sheegey warsaxaafadeedka in Maraykanku ay sidoodi ugu taagan yihiin tageerada Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda, inta ay dib u dhisayaan dalkooda, waxaana dooneynaa in aan aragno ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya oo xoog badan oo ah saaxiib dhaw nala ah.

Sidaas si lamid ah waxaa u soo dhaweeyyey Raysalwasaaraha cusub ee Arbacada heley codka Kalsoonida Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika.

Source: Horseed Media

 

Comments

comments