Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Beeniyay In Madaxweynuhu Xiligan Isku Shaandhayn Ku Samayno Wasiirrada

Date:

Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa daadafteeyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta oo ay ku sheegayeen in madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn ku samaynayo golihiisa wasiiradda.

Afhayeenka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi sheegayay in madaxweynuhu uu daaran yahay isku shaandhayn uu ku sameeyo golihiisa wasaaradda. Waxaanu sheegay in awoodaha gaarka ah ee madaxweynaha ay ka mid tahay in uu isku shaandhayn iyo xil qaadis ku samayn karo golihiisa wasiirada, hase yeeshee wakhti xaadirkan aanay jirin wax isku shaandhayna oo madaxweyne Siilaanyo uu samaynayo.

Axmed Saleebaan Dhuxul, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan yara iftiimiyo oo aan bayaamiyo arrin dhawaan ku soo noqnoqonaysay warbaahinta kala duwan, oo afartii bilood ee ugu danbeeyay aan ku arkayay madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn samaynaya oo wasiir hebel ayaa halkaasaa la gaynayaa iyo wasiir hebel ayaa la eryayaa.”

Afhayeenku waxa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo isagu awood u leeyahay inuu waxna magacaabo waxna eryo. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland xaq waxa uu u leeyahay cida uu xilka ka qaadayo cida uu xilka u dhiibayo waxaana siiyay sharciga waaana awood uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xaqaasi uu u leeyahay in uu wax badalo waxna uu eryo, goorta uu doono. Hase yeeshee waxaan cadaynayaa anigoo ku hadlaya afka madaxweynaha Somaliland wakhtigan in aanu jirin cid la eryayo ama isku shaandhayn samaynayo golaha wasiirada in aanu jirin haba yaraatee, waxa laga yaabaa in wararkaasi dad badan werwer ku abuuraan waxa laga yaabaa in dad ujeedo kalihi in ay jiraan tiimkan madaxweynaha la shaqeeyaa waa qaar isku filan waa tiim madaxweynaha garab ku siinaya hawsha uu qabanayo, hawsha qarankana baylah tirkeeda looga baqan. Sidaasi darteed waxa isku shaandhayna ama eri ah oo haatan madaxweynaha Somaliland samaynayaa ma jirto” ayuu yidhi Md. Dhuxul.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...