Dallada SONYO & Xuska Sannad Guuradeeda 11aad: Hiigsi Iyo Horumar Aan Dhammaad Lahayn

Date:

Hargeysa (Wargane News )- Maanta oo ay bisha June tahay 5 sannadka 2014 waxa ay ku beegan tahay Xuska Sannad Guurada 11-aad ee Aasaaska Dalladda Heer Qaran ee Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo dhidibada loo taagay 5-tii June maanta oo kale sannadkii 2003.

Maalin ku weyn guud ahaan Dhallinyarada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Ururada Dhallinyarada Somaliland, Intii aasaastay, intii cududdda iyo maskaxda galisay iyo intii taageertayba, sharaf weyn ayay noo tahay in aan la qaybsano xuska maalintan ka dib 11 sannadood oo horumar iyo waxqabad noogu astaysan. Ma aha maalin aan u hollanay in xaflad ku fooladeyno inta maanta masuuliyadda SONYO saaran tahay iyo intii lahayd hal-abuurka Aasaaska Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO balse waa maalin aan ku xusayno waayaha dhallinyarada JSL iyo duruufaha ku gadaaman ee muddan in maan fayow iyo aragti fog lagu maamulo. Dallada SONYO waa hal-abuur dhallinyarro; waa madal lagu dhismo oo lagu tabobarto; waa madarasad laga barto hoggaaminta, dul-badnaanta, xilkasnimada, iyo xalliibnaanta; waa gabood ay ku midoobeen 54 urur dhallinyaro iyo Guddiyo jaamacadeed; waa dallad fidsan oo dhereran min Boon illaa Badhan, min Borama (gobolka Awdal) illaa Kala-baydh (gobolka Sool). Sidaas oo ay tahay, dalladu waa tisqaad wali curdin ah oo hiigsanaysa inay kasbato wax badan oo aqoon iyo waayo-aragnimaba leh.   Xuska Sannad Guurrada 11-aad ee Aasaaska Dalladda SONYO waa maalin aan dib u milicsanayo tagtadii shalay, lana dhuuxayo joogtada maanta si loo saadaaliyo loona asteeyo timaadada barito iyo sahan dambe ama mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Munaasidani waxay sidoo kale daaran tahay baraarujinta dhammaan dhinacyada daneeya kobcinta dhallinyaradeena. Taariikhdu waa diiwaan aan duugoobin inaan eed laga galin balse lagu kaydsado mahadhooyin xus iyo xasuus leh isla markaana manfac u leh bani-aadamka uuman. Tallaabadii Dallada SONYO lagu aasaasay waxay diiwaanka taariikhda ka galaysaa baal dahab ah. Dallada SONYO maanta waxay mareysaa meel aad u wanaagsan oo iyadoon gadaal la daymoon ay haboon tahay in hore looga sii socdaa. SONYO waa dallad habaysan oon laga filayn inay dib eegto ama ay hagaasto balse laga dhawri karo hano-qaad iyo horumar intan kasii badan oo ka sii mug weyn. •           Maanta waxaa diyaar ah qorsheyaal ku jaan go’an tusmaynta waxqabad ee Dalladda 5-sanno ee soo socda oo ay ku cad yihiin waxyaabaha la rabo in la gaadho iyo wadada loo mari karo hirgalintooda (Qorshayaal Xilliyeed oo ku sar go’an waxqabadka maanta iyo qorshaynta berri)   •           Dalladu waxa ka hawl gala in ka badan 30- xubnood oo dhallinyaro ah oo hablo iyo wiilalba leh   •           Dalladu waxay leedahay hanti iyo agab qiimo leh kuwaasoo si haboon u tamarin doona sannadaha soo socda, la dhawray ahna hanti ummadeed oo ay leeyihiin dhallinyarada Somaliland.   •   Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa ay maanta gacanta ku haysaa in ka badan 7-mashruuc oo dhammaantood ku waajahan horumarinta dhallinyaradda Somaliland. Sidoo kale, dalladu waxay wada shaqeyn la leedahay ku dhawaad 20-hay’adood oo isugu jira kuwo dawli ah, kuwo caalami ah iyo kuwo qaramada midoobay ka socda. •           Dalladu waxay xidhiidho iyo wada-shaqeyn la leedahay ururada iyo dalladaha dhigeeda ah ee ka hawl-gala qaaradaha Dunida gaara haan kuwo heer Goboleed dalalka Bariga Afrika, qaarada Aasiya iyo barriga fog ah. •           Dalladu waxay safaro shaqo iyo kormeero aan kala go’ lahayn ku samaysaa xaaladda dhallinyaradda gobolada iyo degmooyinka dalka ku teedsan ama ku sugan iyada oo dhawaan soo gabagabaysay mashruucii ugu ballaadhanaa oo ah laba cilmi-baadhisood oo la xidhiidha xaaladaha dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan fad-qalalada dhallinyarada iyo cilmi baadhis kale oo ku saabsan xanuunka AIDS ka iyo dhallinyarada. Dhawaana waxa la soo bandhigi doono natiijada daraasadahaasii oo lagu sameeyey dhallinyarada dhammaan gobolada Somaliland. •           Dalladu waxay si baxsan oo kor u qaadaysa milgaha iyo sharafta JSL uga qayb-gashaa shirarka iyo kulamada caalamiga ah iyada oo dhawaan markii ugu horraysay dalladda SONYO ku guulaystay in ay ka mid noqoto koox dhallinyaro ah oo lagu casuumay Guriga cad ee wadanka Maraykanka looga taliyo iyada oo Agaasimaha dalladda SONYO kulamo kula yeeshay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Obama, masuuliyiinta ka mid ah hormoodka Guriga Odayaasha Maraykanka ee (Congress – ka), Mac-hadyo caalami ah iyo xarumaha horumarinta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Maraykanka, safarkaasi waxa uu si weyn wax ugu daray meeqaamka xidhiidh ee Maraykanka iyo Somaliland. Waxa kale oo dalladu hore uga qaybgashay shirarkii caalamiga ahaa ee dhacay dalalka, Mangolia ee lagu casuumay dalka dimuqraadiga ah ee adduunka oo dhan, Malaysia ee lagaga hadlayay tahriibta adduunka, Japan, ee lagaga hadlayey hoos u dhigida faqriga, gaar ahaan dhallinyarada wadamada dunida saddexaad. •           Dallada SONYO oo ka duulaysa ujeedooyinkii loo aasaasay oo ah ay u ololayso wax ka qabashada dhibaatooyinka waaweyn ee haysta dhallinyarada JSL, waxay abaabushay oo qabatay shirweynihii shaqo abuurka dhallinyarada ee lagu qabtay magaalada Hargeisa bishii July 1-2, 2013-dii. Waxa furay Madaxweynaha JSL oo balan qaaday in qaraarka ka soo baxa shirkaas fulintiisa aanu waxba ka hagran doonin. Ujeedada shirku waxay ahayd in dhibaatada shaqo la’aanta dhallinyarada laga dhiga yeesho qorshe qaran oo lagula tacaalo. Waxa ka soo baxay shirkaas go’aamo wax ku ool ah, sida abuurista Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL ee (YDF) oo Madaxweynaha JSL ku dhawaaqay Feb 20, 2014.   •           Dallada SONYO oo sahamin ugu jirta kobcinta kartida iyo hal-abuurnimada dhallinyarada JSL ee dhinaca ganacsiga ayaa 70 dhallinyaro ah u abuurtay ganacsiyo yar-yar wadanka oo dhan. Haddii tijaabadaasi guulaysato, waxa daliil cad loo heli doonaa hal-abuurnimda dihin ee dhallinyarada JSL ee dhinaca ganacsiga, oo muddan in xooga la saaro. •           Dallada SONYO waxa ay xubin buuxda oo joogta ah ka noqotay Guddida Qorshaynta Qaranka (National Planning Commission – NPC) oo ah guddida maamusha, kana talo bixisa jaan-goynta si iyo meesha ay ku baxayso lacagaha qaadhaan bixiyayaashu ku soo shubaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF). Dallada SONYO oo niyada ku haysa baahida badan ee qabyada u ah dhallinyarada JSL wax ka qabashadeeda, waxay olole xoogan ka gashay in lacag fiican loo qoon-deeyo wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada JSL, dhismaha garoonada ciyaaraha ee dalka, waayo-aragnimo siinta dhallinyarada Jaamacadaha dalka ka soo baxda iyo abuurida barnaamijka Shaqo qaran IWM. Ololahaas waxa dhallinayada JSL uga soo go’ay in Guddida Qorshaynta Qaranku lacag dhan 2 million oo dollar u astayso wax ka qabashada baahiyahaas dhallinyaro. Lacagtaas 2-da million ee doolar ah waxa si toos ah u maamuli doona oo gacanta loo galin doonaa labada Wasaaradood ee Wasaarada Shaqada iy Arimaha Bulshada iyo Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Qaranka. Maadaama Dallada SONYO soo qabatay waajibka intii saarnaa oo ahaa in ay dhallinyarada xaq wixii ay u leeyihiin u ololayso, soona dhicisay lacagta xadigaas leh, SONYO masuuliyadu way ka wareegtay. Sidas darteed, SONYO waxay ku dardaarmaysaa labadaas Wasaaradood ee Qaran in ay masuuliyad badan iska saaraan in lacagtaasi ku baxdo wax ka qabashada baahiyaha waaweyn ee dhallinyarada, qabtaana wax muuqda oo indho qabtaan. •           SONYO waxa ay gacanta ku haysaa dhimse ballaadhan oo ay yeelan doonaan dhallinyarada Somaliland kaasi oo ka kooban xafiisyo, hoolal kuwa shirarka ah iyo xarumo lagu kulmo laguna falanqeeyo horumarinta dhallinyarada. Hoygaasi oo si casri ah loo dhisayaa waxa uu qorshuhu yahay in uu dhammaado dhawrka bilood ee inagu soo aadan. Iyada oo hawlahaas laxaadka leh ay u qabsoomeen Dallada Dhallinyarada ee SONYO, haddana waxa ay dhibic uu ka yihiin wax ka qabashada baahiyaha waaweyn ee haysta dhallinyarada JSL. Waxa jira: •           Shaqo la’aan baahsan oo muddan in talo qaran laga yeesho, adduunkana la gar-gaarsado. Shaqo la’aanta baahsan ee jirtaa waxay khatar ku tahay nabada, xasiloonida iyo horumarka JSL, dalalka Geeska Africa iyo Adduunkaba. Waxay keeni kartaa masiibo aan lasaadaalin karin hadda, haddii aan la maarayn muruqa, lana maalin maanka san ee haddana dihin ee dhallinta maanta. •           Dhallinyaro tiro badan oo ka suudalaysa dalkooda hooyo, iyaga oo qaadanaya jidad iyo marino khatar badan nolol ahaan ama duli badan sharaf ahaan. In badan oo dhallinyarada JSL ee suudalay ayaa u god-galay rumaynta riyooyin dhalanteed ah oo uga gilicle qaarada Yurub. In badan oo dirqi ku nabad-galayna waxa ay la noolyihiin dhib maskaxeedkii (Trauma) ka soo gaadhay jidkii dheeraa ee haraadka iyo surmiga badnaa ee ay soo mareen, qodida habaal bilaashta ay ukal jeexeen dhallin badan oo facooda ah iyo kufsiga hablihii milgaha lahaa ee kadinka geela ah iyo faraska laga bixin jiray.   •           Waayo aragnimo yaraan shaqo oo haysata dhallinyaro badan oo ka soo qalin-jabisa Jaamacadaha dalka, maadaama oo aanu jirin barnaamij qaran oo ay ka kasbadaan fulintiisa waayo aragnimo iyo xirfad xafiiseed ama gacmeed hor leh, taas oo wax weyn ka tari karta shaqo-galka dhallinyarada aqoon-yahanka ah ee dalka. •           Ajaanib tiro badan oo shaqo tag ah oo ku soo qul-qula JSL, dhallinyaradii dalkana ku cidhiidhyey fursadihii shaqo ee jiray, gaar ahaan, Hayada Caalamiga ah ama kuwa Qaramada Midoobay. Ajaanibka tirada badan ee dalka ka shaqeeya badankoodu malaha xirfado iyo takhasus gaar ah oo ay dheer yihiin dhallinyarada JSL, taasina waxay lidi ku tahay Xeerka Shaqaalaha Dalka oo odhanaya, ‘ Shaqada uu qaban karo muwaadinka u dhashay JSL, ma qaban karo qof ajaanib ahi”. Arinta ajaanibka dalka sida xooga leh uga shaqeeyaa waa wal-wal weyn oo haysta dhallinyarada dalka, caqabadna ku ah fursado badan oo ay heli lahaayeen. Wuxuu muddan yahay xal dag-dag ah oo loo helo. Dallada SONYO waxay diyaar u tahay in ay bixiso wixii farso iyo talo bixin ah ee looga baahdo. •           Garoono ciyaareed u dhisan heer caalami iyo dhaq-dhaqaaqyo ciyaareed oo joogto ah oo ka dhaca si ay dhallinyaradu u helaan siyaabo ay ku bixiyaan wakhtigooda ay firaaqada yihiin oo nabad ah, walow ay Wasaarada Dhallinyarada JSL muujisay dadaal xoog leh, abaabushayna tartano ciyaareed waaweyn oo ay la kaashatay Dallada SONYO iyo hayado kaleba sida tartankii Dugsiyada Sare ee ka dhacay Borama, tartanka Kolayga ee Kooxaha Kaalinta Koowaad ee Magaalada Hargeysa, tartanka kubada cagta ee kooxaha kaalinta labaad ee Gobolka Saahil oo isla maanta bilowday ka dib markii dhammaan kooxaha ka qayb-galaya Dallada SONYO siisay dirays dhammaystiran. Balse baahida jirtaa way ka xoog badan tahay Wasaarada.   •           Dhiirigalin yaraanta ama la’aanta hal-abuurnimada dhallinyaro ee dhinaca ganacsiga iyo maqnaanta ilaha dhaqaale ee taageeri kara hal-abuurnimada ganacsi ee dhallinyarada si ay u dhallin karaan dhaqaale. Sanduuqa Horumarinta Dhallinayada JSL ee YDF ayaa noqon kara rajo soo bil-dhaantay oo naruuro u noqon kara xalka la yaboohinayo. Hadda Dallada Dhallinyarada SONYO oo waajibkeedu yahay u ololaynta wax ka qabashada baahiyaha dhallinyarada ee ay qabaan ururada ku bahoobay SONYO iyo guud ahaan dhallinyarada JSL intii karaankeeda ah, waxay soo jeedinaysaa dawlada JSL, qaadhaan – bixiyayaasha adduunka, Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada dalka iyo cid kasta oo danaysaa horumarka, wacnaanta iyo ladnaanta dhallinyarada JSL in ay qayb ka noqdaan wax ka qabashada baahiyahaaas dhallinyaro ee waaweyn ee ku xusan. Wax ka qabashada baahiyahaas waaweyn ee dhallinyaro waxay rajo soo noolayn balaadhan u tahay dhallinyarada JSL. Waxa ay sidoo kale si mug leh dhidibada ugu adkaynaysaa nabada iyo xasiloonida ay JSL ku naaloonayso iyo nabada iyo wajirka dalalka Geeska Africa. Waxa ay sidoo kale waxtar togan u tahay nabad-galyada adduunka iyo tusmaynta wax-wada qabsi hor leh oo dhexmara aadamaha.   Si loo rumeeyo riyooyinka badan ee hilaadinaya horumarka, si loo xaqiijiyo guulaha dhallinyaro ee ay kohanayso laabta dhallinyaradu in maalin uun la gaadho, si aan uga tagno jiilka soo socda dhaxal midho ah, hufnaan iyo hal-abuur, waxaa inagu waajib ah dhallinyaro ahaan in aynu mid ahaano, hagar-baxno oo hawshoono. Waxaa inagu waajib ah dhallinyaro ahaan in aynu u hiilino da’yarteena duruufaha kala duwan la nool. Dallada SONYO waxa ay dhexda u xidhan tahay fulinta Qorsheyaasha badan ee u yaalla, waxayna hormood ka tahay xaqiijinta himilada iyo hanka dhallinyarada JSL. Ugu dambeyn waxa farxad noo ah 11 sanadood oo ku suntan mudakarnimo iyo maan kobocsan oo ay SONYO xaqiijisay hormuudna u tahay han sareeya iyo aragti fog oo yeelato dhallinyarada Somaliland oo aan odhan karno waxa la gaadhay wakhtigii dhallintu dalkooda iyo dadkooda lagu aammini lahaa ee ay ugu hagar bixi lahaayeen aqoonta lagu habay iyo cududooda dihin.

Allaa Mahad Leh

Guul Iyo Gobanimo Waarta Somaliland

Mubarak Ismail Taani

Guddoomiyaha Dallada

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...