Golaha Wakiilada Somaliland Oo Meel Mariyay Xeerka Xabsiyada Somaliland

Date:

Hargeysa(Wargane News)-Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xeerka Xabsiyada, kaaso qodob ka mid ah uu jidaynayo in xabsiyo gaar ah lagu xidhi karo koox maxaabiis ah, sifahaas oo la mid ah qaabka Maraykanku u isticmaalo maxaabiista falalka argagixiso u eedaysan.

Fadhigii shalay oo uu shirguddoominayey Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax-ka-beddel iyo kaabista ay ku sameeyeen Xeerka Xabsiyada oo in muddo ah hor yaallay waxa ansixintiisa oggolaaday 46 xildhibaan, halka hal mudane diiday, saddex kalena ka aamuseen. Qodobadda xeerkan ee wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey waxa ka mid ah qodobada 2aad, 12aad, 13aad, 17aad, 28aad, 34aad, 42aad, 56aad, 85aad iyo 97aad, kuwaasoo dhammaan sidii xukuumaddu u dhigtay wax badan laga beddelay, laguna kaabay waxyaabo mudanayaashu is lahaayeen way ka dhiman yihiin. Sidoo kale, xeerkan oo ka kooban 97 qodob meelaha ugu muhiimsan ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey waxa ka mid ah habka loo xallinayo haddii khilaaf ka dhex dhasho warqad uu soo saaray Taliyaha Xabsiga iyo Wasiirka Caddaaladda amma Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo qodobka 17aad farqadihiisa B iyo J oo dhigaya waxa la qaadanayaa amarka Wasiirka amma Taliyaha. Xeerkan waxa uu sidoo kale jidaynaya wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey in xabsi gaar ah uu Taliyuhu koox maxaabiis ah gayn karo sida wax-ka-beddelka qodobka 12aad tilmaamaayo waxa taliyuhu isagoo raacaya sharciga iyo soo-jeedinta Wasiirka, isla markaana meel-marinaaya nidaamka kala-soocidda maxaabiista sida ku xusan qodobka 74aad wuxuu xabsi gaar ah ugu talogeli kara noocyo gaar ah oo maxaabiis ah, waxaannu xaddidi karaa tirada noocyada maxaabiista ee la geyn karo xabsiyo gaar ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...