Hargeisa (Wargane News) Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa shacbiga Somaliland ku hanbalyeeyay sida nabadgalyada ah ee ay ku dhamaatay xuska 23 guurada madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka May, waxaanu guud ahaanba u rejeeyay in uu illaahay sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.
Cali Warancadde, oo xalay magaaladda Hargaysa ku hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in dadweynihii aadka u badnaa ee isugu soo baxay xuska 18-ka may ay muujiyeen bisayl aad u wanaagsan oo xataa ka horeeya ka ay haystaan dawladaha la aqoonsan yahay ee caalamka qaarkood.
waxaanu yidhi “Waxaan ummada reer Somaliland dhamaantood u rajeynayaa bash bash iyo barwaaqo inay ku gaadhaan sanadka sanadkiisa illaahay ayaana mahadaa iska leh, in umaddii intaa leegayd ee isku soo baxday aanay wax dhibaato ah oo xataa aanay jirin meelo la is-riix-riixay, taasi oo muujinaysa bisaylka ummadeena oo ka horeeya dalal 50 sano iyo ka badan xornimadda haystay oo la aqoonsan yahay”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Magaalada Hargeysa oo aan saaka (shalay subax) joogay waxaad moodaysay in aanu qof kali ihi ku hadhin guriga iyo xamaasada ka muuqatay oo aanay jirin meel qudha oo wax dhibaato ahi ka dhicin waxaan shacbiga Somaliland guud ahaan leeyahay hanbalyo hanbalyo sanadka sanadkiisa Illaahay nabad qab iyo ictiraaf buuxa ha inagu gaadhsiiyo waxaana hubaal ah in shacbiga reer Somaliland uu hadafkiisa gaadhi doono cid kastaana ay ku quusatay maanta sida qiirada iyo kalsoonida leh ee ay u muujiyeen rabitaankooda” ayuu yidhi Cali Warancadde.
Wasiirka oo aanu waydiinay in wax dhibaato ah oo ka dhacay xusaska gobolada iyo degmooyinka Somaliland ay jiraan ayaa yidhi “Wax dhibaato ah oo ilaa hada la noo soo sheegay ma jiraan waxaanay guud ahaan inoogu soo dhamaatay nabadgalyo Illaahay ayaana mahadaa iska leh Alxamdullilaaha”.