Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Lagu Diirsaday U Jeediyay Shacbiweynaha Somaliland

Date:

HARGEYSA (Wargane News)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga Somaliland khudbad balaadhan uga jeediyay barxadda hore ee madaxtooyadda, halkaasi oo lagu qabtay xafladii ugu weynayd ee lagu muunaynayay munaasibadda 23-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.

Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn looga xusay guud ahaan Somaliland iyo caalamka kale, iyadoo wufuud Wasiirro u badana loo kala diray gobolada iyo wadamo ka kamid ah Yurub.

Magaaladda Hargeysa ayaan xalay kala seexan, isla markaana gaadiid aad u faro badan oo lagu sharaxay calanka Somaliland oo ay wataan dhalinyaro ayaa wadooyinka marayey, kuwaas oo wadooyinkii ka dhigay cidhiidhi iyo mashquul, sidoo kale, dadweyne lugaynayey oo aad u faro badan ayaa raxan-raxan u socday.

Salaadii subax waxa dadweynuhu u dareereen agagaarka madaxtooyada oo lagu qabanayey xuska 18 may, taas oo ciidanka, ururadda bulshadda, Ardayda iyo iskaashatooyintu la marayeen ciidanka.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad ka soo jeediyey munaasibaddan loogu dabaal degayey madax banaanidda Somaliland, waxaanu shacabka Somaliland u soo jeediyey inay nabad-galyadooda ilaashaadaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in qaddiyada JSL aanay ahayn mid caadifad ku dhisan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii dadka qaar caad iyo ciiro ka saaran tahay waxaan u cadaynayaa in gooni isku taagga Somaliland uu maanta ka baarka jaray 23 sano oo gow ah, oo aanu salka ku hayn caadifad, hase ahatee tani waxay ka markhaati furaysaa mid gaamuray oo ka marag kacaysa qadiyadoodda, muddo kasta oo ay qaadanayso waxay dadkani diyaar u yihiin inay u dhabar adeegaan oo dhiig kale ku daadiyaan.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaynu dhidibbada u taagnay dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowyaasheen nabad-galyo iyo dhawrista xuquuqul aadanaha, iyo nidaam doorasho oo ku dhisan asxaab taas oo dunida in badan inagu majeerato.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay Soomaaliya waxa uu yidhi “Walaalahayo Soomaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada.”
“Walaalayaal, awrkii dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuurro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday himiladda JSL ka leedahay wada hadaladda u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada Soomaaliyeed u horseedi kartaa in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa dawladihii sida hagar la’aanta ah gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi, haatanna diyaarka u ah inay sii wadaan dedaalkaas”.

Dadweyne aad u faro badan ayaa badhtamaha magaaladda u yimid daawashada gaardiska ciidamadda kala duwan ee Somaliland iyo gaadiidkoodda oo marayey wadada, ka dib markii ay dhoolo tuska ciidankii iyo dadweynihii dhamaaday waxa mar kaliya suuqyadii iyo wadooyinkii ku soo dareeray dadweyne aad u faro badan oo aad moodo in meel lagu hayey, maadaama ay gabi ahaanba gaadiidka la joojiyey intii dabaaldegu socday, isla markaana dadku lug ku yimaadeen badhtamaha magaaladda,ayaa markii gaadiidkii la fasaxay waxa mar qudha magaaladda ka bilaabmay hoon iyo sawaxan faro badan oo dhalinyaraddii ay intii munaasibadu ka socotay gaadiidku ka xidhnaa suuqa ku soo daayeen, iyagoo gaadiidkooda ku xidhay sameecado waaweyn oo ay ka qaylinayaan heeso wadaniya.

Maalmahan oo kale waxay dhalinyaradu ka soo kireystaan gaadiidka ay ku dabaaldegayaan macradada gaadiidka lagu kireeyo, kuwaas oo habeen iyo maalinba wareega, iyagoo ka soo buuxiya dhalinyaro calanka lulaya, haseyeeshee halis badan ku jiro, inkastoo ciidanka amnigu waxba ka qaban kari waayeen halista ay ku jiraan dhalinyartaasi gaadiidka wata oo xawli ku socda.

Dhinaca kale, waxa isna magaaladda Boorame kala qaybgallay xuska 18 May madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayo, waxaanu guud ahaan shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May oo ah maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...