Washington (Wargane News)-Dadka Soomaalida ku nool cariga Mareykanka ayaa si xoog leh u soo dhaweeyay sharciga xawaaladaha ee dalkaas oo muddo dheer la dadaal balaadhan loogu jiray in la khafiifiyo oo uu ansaxiyay aqalka Kongereska ee Maraykanka loona gudbiyay Aqalka Senet-ka ee dalkaas si uu u meelmariyo.
Waxaa lagu wadaa inay sharciga ka faa’ideystaan ajaanibta ku nool Mareykanka oo ay Soomaalidu ku jirto, kuwaas oo si joogto ah lacag ugu dira eheladooda oo jooga dalal kale.
Dhinaca kale, Sharciga xawaaladaha ee uu ansixiyay aqalka Kongereska Mareykanka ayaa la filayaa hadii uu ogolaado aqalka Senat-ku, in uu si rasmi ah u dhaqan geli doono marka uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalka Maraykanka, waxaana lagu wadaa in ay si weyn uga
manaafacaad-san-doonaan guud ahaan dadka Soomaalida ah ee ku nool dal weynaha Maraykanka, kuwaas oo sannad walba lacago aad u badan oo Malaayiin Dollor ah u soo dira qoysaskooda ku nool gudaha Soomaaliya.