Madaxweynaha Oo Tacsi u Diray Qoyskii ay ka baxday Marxuumad Cambarro Jaamac Cali

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Cambaro Jaamac Cali oo ahayd Hooyadii dhashay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Marshaal, oo ka tirsanaan jiray xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale ayaa madaxweyne Siilaano, waxa uu tacsi taasi la mid ah u diray dhamaanba qoyska reer Xaaji Muxumed Guuleed, isaga oo marxuumadda geeriyootay illaahay uga baryeyay in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanba eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Cambaro Jaamac Cali, oo shalay ku geeriyootay magaaladda Hargaysa, laguna aasay.

Tacsidaasina waxay u dhignayd sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Cambaro Jaamac Cali oo ahayd Hooyadii dhashay Marxuum Cali Marshaal, ALLe ha u naxaristo isnee. Marxuumada Oo lagu aasay Magaalada Hargeysa, 11.05.2014. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u diraayaa Reer Xaaji Muxumed Guuleed.Madaxweynuhu waxa uu Marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.”

Comments

comments