Hargaysa (Wargane News):- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ugu baaqay bahda warbaahinta gaar ahaana kuwa dawliga ah inay si weyn ugu muujiyaan umadda reer Somaliland qiimaha ay leedahay xuska maalinta 18-ka May.
Waxaanu tilmaamay Wasiir Cukuse, in looga baahan yahay wariyeyaasha inay si mug leh ugu soo bandhigaan shacbiga luuqadaha kala duwan ee warbaahintu wixii ay ka dhalatay sidii ay ku timid, iyo taariikhda ay ku dhisan tahay xuska munaasibadda 18-ka May.
Wasiirka warfaafintu waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen agaasimihii guud ee hore ee wasaradda warfaafinta C/rashiid Jibriil Yuusuf iyo agaasimaha cusub ee uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay wasaradaasi.
isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Inta aanan u gelin xafladani xil wareejinta ah iyo waxa aynu iska odhanayno, Waxaan doonayaa in aan ka hadlo qodob kale oo ah xuska munaasibadda 18-ka May, waa maalin inagu weyn, waa maalintii ay Somaliland curatay, ee ay dib u curatay, waa maalin ka mid ah unugyadda dhiigeena, waa maalmaha xaadeena iyo dareenkeenuba ay muujiyaan raali ahaan shaha ay ka raali yihiin qaran-nimadda Somaliland iyo dawladnimadeedaba, waxaa la inooga baahan yahay maalintaasi 18-ka May xuskeeda in aynu ku muujino mururq, cudud iyo arrin intaba, raali ahaan shaha sida aynu raalida uga nahay jiritaanka Somaliland, marka aynu nahay bahda war-baahintana dhawr jeer oo hore ayaynu isku tilmaanay kaalinta aynu ku leenahay xuska maalinta 18-ka May, maantana waan ku celinayaa oo waan ku xoojinayaa, bahda warbaahintu inay xuska munaasibadda 18-ka May saddex arrimood oo waaweyn in looga baahan yahay, waxaa ka mid ah inay af-ka Soomaaliga iyo afafka qalaadba ku muujiyaan, qalin, idaacad iyo TV-ba dareenka ay shacbiga reer Somaliland u leeyihiin maalinta 18-ka May, qiimaha ay 18-ka May ugu fadhido ummadda Somaliland, wixii ay ka dhlaatay ama ay ku timid 18-ka May, taariikhda ay 18-ka May ku dhisan tahay, 18-Ka May waxa aynu ka filayno, ee aynu ugu taaganahay ee aynu u beernay”.
Waxaanu intaasi ku daray, “Ta labaadna waxa weeyi, dalkeenu waxa uu leeyahay cadaw farro badan, sida dal kasta oo dunida ahiba uu u yeelan karo, laakiin inaga keeni waa mid inagu dhaw, waa mid had iyo jeer inagu soo dhex dhuuman kara, waa mid aanu khasaarihiisu aanu fiicnayn inkasta oo uu xun yahay khasaare waliba, waa mid laakiin illaahay mahadii aynu kaga bad-baadno doonida uu illaahay inala doonayo in aynu nabad ahaano iyo dadkeena oo u soo jeeda, oo uu qof waliba halkiisa askari ku yahay ayaynu kaga bad-baadnaa cadawga badan ee aynu leenahay. Shacbiga iyo war-baahinta waxa aan labaddaba farayaa maalinta 18-ka May, isku day kasta oo uu cadawgu ku doonayo in uu ku khla-khaliyo xamaasadda iyo dabaal degga iidda, laakiin war-baahinta dadka ha gaadhsiiso feejignaantu in ay tahay waxa ugu horeeya ee taageeradda u ah nabadda uu illaahay inala doonay, waxaan doonayaa in aan cadawgeena u soo jeedno” ayuu yidhi wasiirka war-faafintu.