Maayarka Gabiley Oo Kulan Soo Dhaweyn ah u Sameeyay Badhasaab Mustafe Shiine

Date:

Hargaysa(Wargane News):-Guddoomiyaha gobolka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa shalay Casuumad qado sharafeed ah, oo soo dhawayn ah ku maamuusay Badhasaabka cusub ee gobolkaas loo Magacaabay Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine).

Munaasibadan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qeybgalay Ku-xigeenka Maayarka gobolka Gabiley oo wakiil ka ahaa Guddoomiyihiisa iyo shacabka reer Gabiley labada-ba, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (Tima-cad), Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, agaasimeyaasha Warfaafinta iyo Arrimaha dibada, Xildhibaano iyo Dhalinyarada iyo Marti sharaf kale.

Maayar ku xigeenka Gabiley Cabdi Goolle oo Madashaas Qado sharafeedka loogu sameeyey Guddoomiyaha cusub hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay Badhasaabka cusub Mustafe Shiine ku soo dhawaynayaan gobolka Gabiley, isla markaana Casuumad uu wakiil ka yahay Maayarka gabiley iyo shacabka reer labada-ba.

Maayar ku xigeenku waxa uu sheegay in Gobolka Gabiley uu yahay gobolka ugu dhalinyarada badan, waxaanu tilmaamay in gobolku uu kheyraad badan leeyahay,markaa Guddoomiye ku soo dhawaw gobolka Gabiley.

Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (Abiib Tima-cad), oo isaguna halkaas ka hadlay sheegay inaanu Mustafe Shiine ahayn qof ku cusub gobolka Gabiley, isla markaana waxa uu shaaciyey inay hore u soo wada shaqeeyeen, waxaanu yidhi “Waxa la yidhi Reer galbeedku hal ilbay dabaan, reer Ceerigaabana labadaba way isku qabtaan. Badhasaabka cusub waan soo dhawaynayaa.”
Waxa isaguna dareenkiisa ka waramay Badhasaabka cusub Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay Casuumadan qiimaha iyo maamuuska leh ee Maayarka Gabiley iyo shacabka reer gabileyba ku maamuuseen, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu farax-sanahay Munaasibaddan qaaliga ah ee ay dadka reer Gabiley igu soo dhaweynayaan. Waxaan ogaaday Gabilay inay tahay magaalada ama gobalka ugu dhalinta badan, waayo saddexdii cisho ee Magacaabistayda ka soo wareegtay waxaan ugu yaraan 400 oo iimayl ah (Email), oo iiga timid dhalinyarada reer Gabiley. Waxaan diyaar u ahay inaan si dhaw ula shaqayn doono Reer Gabiley,”Ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ugu danbayntii Casuumadaas ka hadlay ayaa sheegay in Magacaabista Mustafe Shiine ay ka dhalatay balanqaadyadii Madaxweynaha, waxaanu tilmaamay in tallaabadani ay tahay siyaasada Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo, waxaanu yidhi “In Mustafe Shiine loo Magacaabo loo Magacaabo Badhasaabka Gabiley waxay ka mid tahay Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmd-Siilaanyo, waana balanqaadyadiisii uu hore u sheegay. Waan Soo dhawaynayaa Badhasaabka cusub ee Gabiley Mustafe Shiine” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...